RW Xamsa oo qaylo u diray Beesha Calaamka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii iyo natiijooyinkii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo hooysay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada Adduunka ee COP30 oo ka dhacay dalka Brazil.

Munaasabaddan, ayaa lagu soo bandhigay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan dadaallada dowladda ee ku aaddan saameynta isbeddelka cimilada, mashaariicda dib-u-soo-kabashada deegaanka, qorshayaasha yaraynta fatahaadaha iyo fursadaha maalgelinta deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey doorka firfircoon ee wafdiga Soomaaliya ay ka qaateen doodaha caalamiga ah, isaga oo xusay in Soomaaliya ay markan dunida u gashay gorgortan dhab ah oo ku aaddan helitaanka Maalgelinta Cimilada (Climate Finance) iyo magdhowga khasaaraha ka dhasha Isbeddelka Cimilada ee ay sameeyaan dalalka horumaray.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay samaysay wasaarad gaar u ah arrimaha deegaanka si xal loogu helo saamaynta abaaraha iyo isbeddelka cimilladq, taasi oo ka tarjumaysa mudnaanta ay dowladda siisay arrimaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed xilligan ay wajahayaan abaar aad u adag oo loo baahanyahay in loo kaco sidii gurmad loo gaarsiin lahaa sidii xaaladda ba’an ee ay ku jiraan bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal ugu jirtaa gurmadka dadka tabaalaysan iyada oo dowladdu ay samaysay Sanduuq lagu uruuriyo dhaqaalah loo qorsheeyay gurmadka abaaraha, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, uu la kulmay safiirrada dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay madaxda dalalka iyo hey’adaha caalamiga in ay gacan ka gaystaan arrimaha taagan.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay culimada, ganacsada iyo samafalayaasha Soomaaliyeed in ay ka qeyb-qaataan sidii ay dadka Soomaaliyeed ee duruufaha qalafsan ku jira loo gaarsiin lahaa gurmad iyo taakulo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles