Monday, July 20, 2026

RW Xamsa oo weerarkii shalay ee saldhiga Booliska Warta Nabada ku tilmaamay Afgambi

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ayaa ka hadlay weerarkii shalay ka dhacay saldhigga Booliiska ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu sheegay in uu ka dambeeyey farriin cad oo muujineysa in Muqdisho aysan u qalmin hormar iyo xasillooni.

“Falkii shalay lagu weeraray saldhigga Booliiska, waxaa uu xambaarsanaa farriin ah in Muqdisho aysan qaadi karin horumar iyo nabadgelyo, waxaana lagu diidanaa in muwaadiniinta la siiyo xuquuqda dastuuriga ah ee ay leeyihiin, iyo sidoo kale la dagaalanka Khawaarijta,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre.

Ra’iisul Wasaare Hamza wuxuu ugu baaqay hay’adaha amniga inay sare u qaadaan hawlgallada ammaanka si ay u sugaan badbaadada muwaadiniinta. Waxa uu sidoo kale ka digay in la ogolaado falal dambiyeed oo ka dhan ah nabadgelyada guud ee dalka.

“Hay’adaha amniga waxaan farayaa in ammaanka muwaadiniinta ay sugaan, kana hortagaan cid kasta oo ku kacda fal dambiyeed,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in dowladda ay diyaar u tahay inay qaaddo tallaabooyin adag oo lagaga hortagayo kooxaha doonaya inay carqaladeeyaan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo ku boorriyay shacabka inay ka qayb qaataan sidii dalka loo ilaalin lahaa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Caawa waxaa soo gabagaboobaya tartankii Koobka Adduunka ee ugu dheeraa taariikhda

Ka dib shan toddobaad oo tartan ah iyo 104...

Masar iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay Badmaaxiinta lagu afduubtay dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aaty, ayaa...

Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee BFS oo la Shaaciyay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ruto oo Ballanqaaday inuu Taageerayo Musharraxa ay Ku Midoobaan Soomaalida Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa kulan albaabadu u xiran...

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles