Thursday, March 12, 2026

RW Xamsa” Xukuumadeydu waxay u guuri doontaa jiida hore ee dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan deg-deg oo looga hadlayo amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumaddisu ay u guuri doonto furrimaha dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed heystaan fursad muhiim ah oo waqti kooban lagu soo afjari doono kooxaha Khawaarijta ah, maadama ay ku jiraan marxalad dhammaad ah, lana doonayo in shacabka Soomaaliyeed gamcaha isu qabsadaan sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen ilaalinta amnigooda iyo xasilloonida dalka, isaga oo faray hey’adaha amniga in ay sii xoojiyaan xaqiijinta amniga caasimadda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyey howlgallada socda ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanku ay ku ciribtirayaan kooxaha baneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee laga sifeyn doono guud ahaan dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamada xoogga oo la wareegay Xawaadley

Ciidamada xoogga ayaa maanta gudaha u galay deegaanka Xawaadleey...

Xasan Sheekh oo Safar ku Tagaya Jabuuti Xilli Madaxweyne Geelle u Tartamayo Doorasho Kale

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu...

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay saldhigyada Daacish ee Buuraha Calimiskaad

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay duqeyn...

Wafdi ka socda DFS oo New Yorka uga qeybgalay kulan muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Markab xammuul oo lagu weeraray Marinka Hormuz

Markab xammuul qaada oo ku dhow Marinka Hormuz ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles