Sunday, June 28, 2026

Puntland oo shaacisay tirada Ciidamada DFS ee ku sugan Deegaannadeeda

Puntland ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee mushaarka ka qaata, isla markaana ku sugan deegaannadeeda.

La-taliyaha arrimaha amniga ee Madaxweynaha Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa sheegay in 1,376 askari oo ku sugan Puntland ay mushaar ka helaan Dowladda Federaalka, kuwaas oo, sida uu sheegay, loogu talagalay in lagu carqaladeeyo amniga iyo jiritaanka Puntland.

Qarjab ayaa xusay in qaar ka mid ah ciidamadaasi ay ka shaqeeyaan sugidda amniga iyo la dagaallanka argagixisada, halka kuwo kale uu ku eedeeyay inay caqabad ku yihiin nidaamka dowladnimada Puntland.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in magaalooyinka Garowe, Boosaaso, Xaafuun iyo Gaalkacyo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamo hore uga tirsanaa Puntland, balse haatan ku biiray Dowladda Federaalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin ciidanka PSF oo uu hoggaamiyo Gen. Maxamuud Diyaano iyo ciidanka Danab oo uu xukumo Gen. Jimcaale Jaamac Takar.

Labada ciidan iyo maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa horay u dhexmaray dagaallo sababay dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac, kuwaas oo salka ku hayay khilaafaad siyaasadeed.

Sidoo kale, saraakiisha hoggaamisa ciidamadan ayaa dhawaan magaalada Laascaanood kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka, kaas oo saameyn ku yeeshay wada-shaqeynta amniga iyo maamulka dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xero ay leeyihiin kurdiyiinta Ciraaq oo la duqeeyay

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka...

Nin Mareykanka ku eedeeyay Musuq-maasuq oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Cabdikariim...

DFS oo Sheegtay in Duqeymo lagu dilay  Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka...

Booliska Soomaaliya oo Xoojiyay Howlgallada Ka Dhanka ah Faafinta Anshax-xumada

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sare u qaaday howlgallada lagu...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles