Saturday, May 2, 2026

Deni oo kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Gaarka ah ee Wadamada Maraykanka iyo Ingiriis-ka ee Bariga Africa, Col Ryan flaherty iyo Col Rich Grover oo ay weheliyaan Saraakiil sarsare.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan amniga iyo la dagaalanka Argagixisada, waxaa kaloo si gaar ah looga hadlay guulaha laga gaaray Hawlgallada gebagebada maraya ee Argagixisada Daacish looga sifaynayo Calmiskaad iyo xoojinta Iskaashiga guud ee la dagaalanka Argagixisada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Maraykanka iyo Ingiriiska uga mahadceliyay, sida ay Dowladda iyo Shacabka Puntland uga taageereen in Hawlgalka Calmiskaad Guuleysto.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Wakiilka arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamka Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Cutubkii ugu horeeyey Ciidanka Masar oo ku soo wajahan Somalia

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in cutubkii ugu horreeyay...

Wasiiro, siyaasiyiin & Xildhibaano ku qulqulaya Baydhabo

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ay...

Iran oo xoojisay awoodeeda Milateri, lana soo baxday hub cusub

Warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera ayaa baahisay warbixin...

Soomaali Mindi ku weeraray dad Yuhuud ah oo dacwad lagu soo oogay

Ciise Suleiman ayaa lagu soo oogay dacwad isku day...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles