RW Xamse oo Muqdisho kusoo xiray shirka Culimada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo soo xiray Shirweynaha labaad ee culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayey midnimada culimada, ayaa ku boorriyey in ay xoojiyaan wadajirka dhexdooda ah, kana gudbaan wax walba oo keenaya kala qeybsanaan.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kula dardaarmay culimada Soomaaliyeed in ay adkeeyaan doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, dadkana ay ku hoggaamiyaan dagaalka ka dhanka ah AS.

“Khataraha ugu waaweyn ee ina horyaalla waxaa ugu horreeya AS, waxaa ay khatar ku yihiin caqiiqada, dhaqaalaha, bulshada, wax-soo-saarka iyo jiritaanka ummaddan, argagixisadu waxa ay hoggaamiyaan jahliga, diin xumada iyo dhaqan xumada, meeshii ay ku raaggaanna waxaad ku arkaysaa ummad burburtay oo dhaqan iyo hoggaamin lahayn”.

Mudane Xamsa waxa uu ku adkeeyay culimada in ay xoojiyaan dadaalkooda ku qotoma la dagaallanka qabyaaladda iyo wax walba oo halis ku ah jiritaanka ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uga mahadceliyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta qaban-qaabada shirka sanadkii labaad, ayaa waxa uu ka tacsiyeeyay culimadii waaweynaa ee ka baxay Islaamka, kuwaas oo ay kamid ahaayeen  Sheekh Cusmaan Xiddig iyo hoggaamiyihii Xamaas Sheekh Ismaaciil Haniya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maraykanka oo war ka soo saaray colaadda Tigraay ee Itoobiya

 Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday dhammaan...

Al-Burhaan oo gaaray Al-Calamayn, kana qeybgalaya shir madaxeedka

Hoggaamiyaha Golaha Madaxbannaanida KMG ah ee Suudaan, Taliyaha Guud...

DFS oo dhammaystirtay dhismaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystirtay dib-u-abaabulka Qaybta 26-aad ee...

Soomaaliya oo sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wargelin ku saabsan bixitaanka ciidankeeda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles