Sacuudi Carabiya oo ka hadashay shirkii afarta dhinac ee Tehran

Saacad ka dib markii mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Pakistan, Turkiga iyo Sacuudi Carabiya ay gaareen Tehran si ay uga qayb galaan shir afar geesood ahaa, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga waxay soo saartay bayaan ay ku sheegtay in ka qaybgalka Wasiirka Gaashaandhigga Sacuudiga, Amiir Khalid bin Salman, uu qayb ka yahay dadaallada Riyadh ay ku dooneyso in lagu xallinayo xiisadda gobolka, iyadoo la adeegsanayo dalalka xubnaha ka ah Heshiiska Maka, oo kala ah Pakistan iyo Turkiga.

Bayaanka ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudigu soo saartay habeenkii Isniinta ayaa u qornaa sidan:

Iyada oo la sii ambaqaadayo doorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee xoojinta wada-hadalka iyo nabadda heer gobol iyo heer caalami, ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi caddeyneysaa in booqashada Amiir Khalid bin Salman bin Abdulaziz Al Saud, Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ay weheliyaan wakiillo ka socda dalalka xubnaha ka ah Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka, ay ku tageen Tehran, halkaas oo ay kula kulmeen mas’uuliyiin sare oo Iiraaniyiin ah.

Booqashadu waxay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee dalalka xubnaha ka ah heshiiskan ay ku doonayaan inay ku yareeyaan xiisadaha u dhexeeya dhinacyada ku lugta leh xiisadda taagan, ku dhiirrigeliyaan wada-hadalka iyo xalalka diblomaasiyadeed, isla markaana taageeraan dadaallada dhexdhexaadinta ee Dowladda Qatar iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.”

Marka laga soo tago Wasiirka Gaashaandhigga Sacuudiga, waxaa sidoo kale shirkii afarta dhinac ee Isniintii ka dhacay Tehran ka qayb galay Marshal Asim Munir, taliyaha ciidanka Pakistan, iyo Ibrahim Kalin, madaxa sirdoonka Turkiga.

WARARKII KALE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeelanaya kulan aan caadi ahayn

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles