Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan gaar ah, ayaa looga hadlay Qoondeynta Miisaaniyadda Sannadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2027, amniga dalka iyo dadaallada ciidamada qalabka sida ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Kulanka oo uu Shir-guddoomiyey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo gaartay 1,259,238,253 (Hal Bilyan, Laba Boqol, Konton iyo Sagaal Milyan, Laba Boqol, Soddon Siddeed Kun, Laba Boqol , Konton iyo Saddex Doollar).

 Golaha ayaa warbixin ku saabsan amniga dalka ka dhagaystay Wasaaradda Amniga Gudaha, oo soo bandhigtay guulaha ciidamada qalabka sida ay maalmahan ka gaareen deegaannada ay kula dirirayaan kooxaha arxanka daran ee Khawaarijta ah iyo howlgallada ay wadaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada XFS, ayaa Marwo Shukri Xasan Cusmaan u magacaabay Agaasimaha Hay’adda Liiltirka iyo Hawlgabka Shaqaalaha Rayidka ah, kaddib soo jeedin ka timid Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada ayaa soo dhoweeyay guusha iyo nabad ah ee ay kusoo dhammaatay Shaqadii Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxa ayna bogaadiyeen howlihii uu xafiisku ka soo qabtay dalkeenna muddadii uu ku jiray kala guurka iyo dib-u-soo kabashada Qaranka ilaa uu dalku gaaray isku-filnaansho iyo dib-u-hanasho buuxda.

WARARKII KALE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

Sacuudi Carabiya oo ka hadashay shirkii afarta dhinac ee Tehran

Saacad ka dib markii mas’uuliyiin sare oo ka kala...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeelanaya kulan aan caadi ahayn

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles