Saturday, December 27, 2025

Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa taageero buuxda u muujisay  madax-bannaanida, midnimada, iyo nabadgelyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana si xooggan uga horyimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku tilmaantay tallaabada aqoonsiga Somaliland ee dowlada Israa’iil mid kaligi-talisnimo ah oo lid ku ah sharciga caalamiga.

Wasaaradda ayaa sidoo kale caddeysay in Sacuudigu uu diidan yahay isku day kasta oo lagu doonayo in la dhiso dowlad kale oo la mid ah Soomaaliya, taasi oo ay sheegtay in  khilaafsantahay midnimada Soomaaliya.

Wasaaradu waxay muujisay taageerada uu Sacuudiga  u hayo hay’adaha sharciga ah ee dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale muujisay in ay taagero  u hayso xasilloonida dalka iyo dadka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga waxa uu muujinayaa sida Sacuudigu uga go’an yahay midnimada Soomaaliya, iyo sida uu uga soo horjeedo talaabo kasta oo halis gelin karta xasilloonida gobolka iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Koofur Galbeed oo si adag u diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Maamulka Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ka...

Wadamo iyo Ururo ka horyimid aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil

Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid...

Rw hore ee Turkiga oo dalab culus u diray Masar, Turkiga iyo Sacuudiga

Sidoo kale wuxuu sheegay in sanadihii 2012-2013 ay dalal...

Aqoonsi Caalami ah sidaa uma fududa:-Calanka Towxiidka Ixtiraama, kuwa Yahuudda u Ordayoow

Waxaan maanta wajahaynaa isku day qaawan oo si toos...

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashooyinkii degmooyinka ee ka qabsoomay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa...

Zelensky oo qorshaynaya inuu la kulmoTrump

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay inuu Florida Axada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles