Safiirkii Itoobiya u fadhiyey Soomaaliya oo dalkiisa dib ugu laabtay

Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya, Suleiman Dedefo, ayaa ka baxay magaalada Muqdisho kaddib markii uu soo dhammeystay muddadii uu xilka hayay oo ahayd wax ka badan hal sano.

Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ayaa Sabtidii, 29-ka Agoosto, sheegtay in shaqaalaha safaaradda ay sagootiyeen Dedefo xilli uu ka ambabaxayay caasimadda Soomaaliya, iyadoo lagu sheegay in uu soo dhammeystay muddadii xilkiisa.

Safaaradda ma aysan sheegin sababta uu danjiruhu xilka uga tegay, sidoo kalena lama shaacin cidda beddeli doonta.

Suleiman Dedefo ayaa danjire looga magacaabay Soomaaliya sanadkii 2025, waxaana uu waraaqaha aqoonsiga u gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 5-tii Agoosto 2025, taas oo dib u soo celisay xiriirkii heerka danjirenimo ee labada dal kaddib muddo ku dhow hal sano oo uu xiriirka diblomaasiyadeed xumaa.

Magacaabistiisa ayaa timid xilli xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu marayay xaalad adag, kaddib heshiis is-afgaradkii ay Itoobiya la gashay Somaliland bishii Janaayo 2024, kaas oo Addis Ababa ugu danaynaysay helitaanka marin badeed, balse dowladda Soomaaliya ay si adag uga hortimid, iyadoo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo dhuleednimada Soomaaliya.

Xiisadda diblomaasiyadeed ayaa keentay in Soomaaliya ay bishii Abriil 2024 dalka ka cayriso danjirihii Itoobiya, Muktar Maxamed Ware, iyadoo sidoo kale diblomaasi kale oo Itoobiyaan ah ku dhawaaqday persona non grata.

Xiriirka labada dal ayaa dib u soo hagaagay kaddib Bayaankii Ankara ee December 2024, oo ay Turkigu dhex-dhexaadiyeen Soomaaliya iyo Itoobiya.

Labada dowladood ayaa ku ballamay inay ixtiraamaan madax-bannaanida iyo dhuleednimada midba midka kale, isla markaana ay wada-hadallo ka yeeshaan arrinta marin-badeedka Itoobiya.

Suleiman Dedefo ayaa horey u soo noqday danjiraha Itoobiya u fadhiyay Jabuuti, Imaaraadka Carabta iyo Nigeria, isagoo sidoo kale intii uu Jabuuti joogay guddoomiyay Guddiga Danjirayaasha IGAD.

Waxa uu sidoo kale soo noqday maamulaha guud ee shirkadda dowladda Itoobiya leedahay ee Ethio-Engineering Group.

WARARKII KALE

RW Xams oo kulan la qaatay dhiggiisa Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa...

Guddoomiye Jaamac oo kulan la qaatay Xildhibaanada Soomaaliya ku metela Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya,Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)...

DF oo shaacisay in la dilay mid ka mid ah hoggaamiyaasha Sare ee Al-Shabaab

Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyo saaxiibbada caalamiga...

Sacuudiga oo Soomaaliya dib ugu soo celiyay qaxooti Soomaali ah oo Yemen ku noolaa

Xarunta Gargaarka iyo Gurmadka Boqor Salmaan (KSrelief) ayaa Soomaaliya...

Iiraan oo war ka soo saartey cunaqabateynta Maraykanka iyo xannibaadaha marinka Hormus

Dowladda Iiraan ayaa ballan-qaadday inay sii wadi doonto ka...

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Johg Un oo tallaabo cusub qaaday

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku warantay in hoggaamiye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles