Wednesday, July 30, 2025

Sargaal ka goostay dowladda Federaalka oo Jubbaland isku dhiibay

Waxaa maanta degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo lagu soo bandhigay sargaal katirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya, kaa oo hadda sheegay in uu kasoo goostay dhinaca dowladda Federaalka kuna biiray maamulka Jubbaland.

Maxamuud Muxumed Saadey, oo horey uga tirsanaa ciidanka Jubbaland ee ku sugnaa gobolka Gedo, ayaa ka goostay ciidankaasi, waxa uuna ku biiray ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna sargaalkan ku dhaawacmay dagaal ka dhacay Gedo, iyada oo lagu soo daweeyay Muqdisho.

Sargaalkan oo la hadlay warbaahinta , ayaa sheegay in marii uu ka goosanayay Jubbaland ay dowladda Federaalka u sameysay ballanqaadyo balse looga baxay, waxa uuna xusay in uu hadda ka goostay dhinaca dowladda dibna ugu laabtay maamulka Jubbaland uu horey uga soo baxay.

Waxa uu sheegay sargaalkan in la qalday uuna hadda gartay qaladkii uu ku dhacay, waxa uuna dadka reer Jubbaland gaar ahaan kuwa Gedo jooga ugu baaqay in ay ka fogaadaan dadka diidan Jubbaland, isagoo tilmaamay in been loo sheegayo berina ka shalay doonaan.

Sargaalkan maanta isku soo dhiibay ciidanka Jubbaland, ayaa sheegay in isaga iyo ciidamo uu watay loo ballanqaaday in la qorayo lana siinayo mushaar, balse waxuu tilmaamay in arrintaasi been noqotay loogana baxay ballamihii laga qaaday, isaga iyo ciidankii uu ku biiriyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 29/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil iyo Madaxweyne Putin oo ka wada-hadlay arrimaha Iran

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la hadlay madaxweynaha...

Shir madaxeed arrin muhiim ah looga hadlayo oo maanta ka furmay Muqdisho

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Mudane Xildhibaan Biixi Imaan Cige, ayaa...

Xaalada Beledxaawo oo saaka degan, iyo Barakac hor leh oo socda

Magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka ku waabariisatay...

Togasho ka dhacday Mareykanka

Nin hubeysan ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka...

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay gaari sahay u siday Daacish iyo raggii waday

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howlgal qorsheysan ku qabtay gaari...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles