Tuesday, January 13, 2026

Senator Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise sharciyeedka Dad-dhigista

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad, Kalfadhigiisa 7aad, kulankiisa 9aad ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Hindise-sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga kaasi uu guddoomiyey Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay wehliyeen Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde),

Kulanka maanta oo uu ka qaybgalay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Sadad Alio, iyo Diiwaanhayaha Guud ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga, Mudane Cabdiqani Maxamed Wehliye.

Ugu dambeyn, kadib ansixinta Sharciga Wasiiru-dowluhu ayaa uga mahadceliyey Guddoonka iyo xubnaha Golaha Aqalka Sare meelmarinta sharcigan muhiimka ah, oo ah tallaabo horumarineed oo lagu xoojinayo nidaamka dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ee dalka.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles