Wednesday, June 24, 2026

Shabakad Al-shabaab u Farsamayn Jirtay Gaadiidka Qaraxyada oo xukun lagu riday

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukunno adag ku riday xubno lagu helay inay si toos ah ula shaqeynayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyagoo u fududeynayay farsamaynta gaadiidka qaraxyada loo adeegsado.

Eedeysanaha ugu weyn, Cabdinaasir Maxamed Xasan, oo loo yaqaan “Macalim Xaaji”, ayaa lagu helay inuu tan iyo 2018 u ahaa makaanik si gaar ah ula shaqeynayay kooxda Khawaarijta. Waxa uu u hagaajin jiray gaadiidka qaraxyada, gaar ahaan kuwa ka cilladooba ama cusub ee ay u adeegsan doonaan weerarada, isagoo tirtiri jiray lambarrada aqoonsiga gaadiidka (Chassis Number), kuna beddeli jiray kuwo cusub si aan loo raadin karin.

Cabdinaasir ayaa lagu eedeeyay inuu kaalin muuqata ka qaatay qaraxyo culus oo dalka gilgilay, oo ay ka mid yihiin:

Qaraxii Zoobe 2 ee dhacay 29-kii Oktoobar 2022.

Qaraxyo ka dhacay Hotel SYL iyo Beach View.

Waxa uu hoostagayay horjooge lagu magacaabo Khalid, waxaana la siiyay $240 doolar bishii mushaar ahaan, gaari noha ah oo uu adeegsado, iyo sidoo kale garaash uu uga shaqeyn jiray sidii wakiil farsamo ee kooxda argagixisada.

Sidoo kale, waxa uu xiriir la lahaa xubno horey loogu xukumay dambiyo argagixiso oo ku jiray Xabsiga Dhexe iyo kuwo lagu dilay isku day baxsi sanadkii 2024.

Maadeey Cabdi Xuseen, oo isna makaanik ahaa, ayaa xiriir la yeeshay Cabdinaasir kadibna u safray deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo uu mudo bil ah ku farsameynayay saddex gaari oo cilladaysnaa. Wuxuu kasoo laabtay isaga iyo Ciise Maadeey Cabdi Xuseen, iyadoo ay kooxda argagixisada siiyeen $400 oo doolar, 50 ka mid ahna uu u dhiibay Ciise.

Cabdiqaadir Cali Faarax (Tabliiq), oo horey laba jeer loo xiray, ayaa lagu eedeeyay inuu fududeeyay xiriirka dad u dacwoonaya kooxda Khawaarijta, isla markaana uu ka iibin rabay gaari u gaar ah. Balse ciidamada ayaa ku qabtay ka hor inta uusan gaari iibin.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada, G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa ku dhawaaqay xukunka, isagoo sheegay in la siiyay waqti ku filan dhinacyada dacwadda, kadibna xukunkaan la gaaray:

Cabdinaasir Maxamed Xasan – Xabsi Daa’in (Nolosha oo dhan).

Maadeey Cabdi Xuseen – 2 sano oo Xabsi Argagixiso ah.

Ciise Maadeey Cabdi Xuseen – 1 sano oo Xabsi Argagixiso ah.

Cabdiqaadir Cali Faarax (Tabliiq) – Waxaa loo fasaxay xoriyaddiisa, kadib markii lagu waayey dambigii lagu eedeeyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles