Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war uu soo saaray ugu hadlay dilkii gobolka Shabeelada hoose loogu geystay Taliyahii Guutada 14- Oktoobar
“Waxaan halkaan uga tacsiyeynayaa Qoyska, Qaraabada, Ciidamada qalabka sida iyo sidoo kale ummada Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u raxmadee Gaashanle Sare Nuur Maxamed Gaabow ( Nuur Farey ) oo ahaa Taliyaha Guutada 14- Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale Shariif ayaa qoraalkiisa intaasi ku daray” Taliye Nuur Farey wuxuu ahaa geesi Qaran oo lahaa karti, daacadnimo, aqoon iyo hoggaamin ciidan isagoo si hagar la’aan ah ugu adeegay Dalkiisa iyo Dadkiisa kahor geeridiisa.”
Sheekh Shariif ayaa Taliska ciidanka xoogga dalka iyo madaxda dowladda Federaalka waxaa uu ugu baaqay in baaritaan deg deg ah oo daahfuran lagu sameeyo falkaan gurracan ee loo geystay taliyihii Guutada 14 Octoobar, Islamarkaana Cadaaladda la horkeenno dambiilayaasha soo abaabulay falkaasi.


