Shiinaha oo meel mariyay qorshe cusub oo isku filnaansho dhanka tiknooloojiyadda ah

Shiinaha ayaa meelmariyay qorshe shan sano ah oo cusub oo ay ansixiyeen Guddiga Dhexe ee Xisbiga Shuuciga ee talada haya dalka Shiinaha kaas oo xoogga saaraya isku-filnaanshaha dhanka tignoolajiyada, xilli ay jirto xiisad u dhaxaysa Shiinaha iyo Maraykanka.

qorshahaan, oo lagu ansixiyay shir afar maalmood socday oo uu guddoominayay Madaxweyne Xi Jinping, ayaa sidoo kale mudnaan gaar ah siinaya la tacaalidda caqabadaha dhaqaale.

Bayaanka lagu daabacay (wakaaladda wararka ee dowladda Shiinaha, Xinhua) ayaa sheegay in la qaadi doono dadaallo lagu kordhinayo isticmaalka gudaha, lagu ballaadhinayo maalgashiga, laguna baabi’inayo caqabadaha hor taagan kobaca.

Qorshahani wuxuu imaanayaa xilli dhaqaalaha labaad ee ugu weyn caalamka uu wajahayo hoos u dhac ku yimid kharashka gudaha, dhibaato dheer oo ka taagan qaybta guriyeynta, iyo xiisado ganacsi oo sii xoogeysanaya oo kala dhexeeya Maraykanka.

Maalmo uun ka dib markii la sameeyay isbeddel ballaadhan oo dhanka ciidanka ah, Guddiga Dhexe wuxuu sidoo kale magacaabay Jeneraal Zhang Shengmin inuu noqdo ninka saddexaad ee ugu sarreeya taliska Ciidanka Shacabka Shiinaha

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles