Shiinaha oo meel mariyay qorshe cusub oo isku filnaansho dhanka tiknooloojiyadda ah

Shiinaha ayaa meelmariyay qorshe shan sano ah oo cusub oo ay ansixiyeen Guddiga Dhexe ee Xisbiga Shuuciga ee talada haya dalka Shiinaha kaas oo xoogga saaraya isku-filnaanshaha dhanka tignoolajiyada, xilli ay jirto xiisad u dhaxaysa Shiinaha iyo Maraykanka.

qorshahaan, oo lagu ansixiyay shir afar maalmood socday oo uu guddoominayay Madaxweyne Xi Jinping, ayaa sidoo kale mudnaan gaar ah siinaya la tacaalidda caqabadaha dhaqaale.

Bayaanka lagu daabacay (wakaaladda wararka ee dowladda Shiinaha, Xinhua) ayaa sheegay in la qaadi doono dadaallo lagu kordhinayo isticmaalka gudaha, lagu ballaadhinayo maalgashiga, laguna baabi’inayo caqabadaha hor taagan kobaca.

Qorshahani wuxuu imaanayaa xilli dhaqaalaha labaad ee ugu weyn caalamka uu wajahayo hoos u dhac ku yimid kharashka gudaha, dhibaato dheer oo ka taagan qaybta guriyeynta, iyo xiisado ganacsi oo sii xoogeysanaya oo kala dhexeeya Maraykanka.

Maalmo uun ka dib markii la sameeyay isbeddel ballaadhan oo dhanka ciidanka ah, Guddiga Dhexe wuxuu sidoo kale magacaabay Jeneraal Zhang Shengmin inuu noqdo ninka saddexaad ee ugu sarreeya taliska Ciidanka Shacabka Shiinaha

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles