Thursday, September 18, 2025

Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

Shir madaxeed degdeg ah oo ay yeesheen Madaxda Dowladaha Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa lagu qabtay 15-kii Sebtembar 2025 magaalada Doha ee caasimadda Qatar, kaas oo diiradda lagu saaray weerarkii Israa’iil ku qaaday dalka Qatar.

War-murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa si xooggan loogu cambaareeyay falka Israa’iil, iyadoo lagu tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah nabadda iyo amniga caalamka. Hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka ayaa muujiyay mowqif mideysan oo taageero buuxda u ah dowladda iyo shacabka Qatar, iyagoo ballanqaaday in la difaaco madax-bannaanida iyo amniga dalalka xubnaha ka ah.

Shir-madaxeedka ayaa sidoo kale ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in bulshada caalamka iyo Qaramada Midoobay ay tallaabo cad ka qaadaan xadgudubyada joogtada ah ee Israa’iil, kuwaas oo lagu sheegay inay khatar weyn ku yihiin xasilloonida gobolka iyo nidaamka cadaaladda caalamiga ah.

Madaxda Carabta iyo Islaamka ayaa ugu dambeyn ku adkeeyay taageeradooda buuxda ee Qatar, iyagoo ku baaqay in la mideeyo dadaallada difaaca iyo ilaalinta karaamada dalalka Carabta iyo Muslimiinta, gaar ahaan taageerada qaddiyadda Falastiin.

Shirku wuxuu sidoo kale ku bogaadiyay doorka ay dalalka sida Aljeeriya, Soomaaliya iyo Pakistan ka qaadanayaan difaaca qadiyadda Falastiin iyo ka hortagga gardarrada Israa|l ee Qaaa iyo gobolka.
Waxaa la xoojiyay taageerada Jordan ee ilaalinta goobaha barakaysan ee Qudus iyo sidoo kale kaalinta Morocco ee guddiga Qudus.

WARARKII KALE

Wasiir Fiqi oo shaaciyay hal arrin oo ay Soomaaliya ka heshay Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa wareysi gaar...

Xasan Shire oo ka mid ah mucaaradka Puntland oo kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah Deni ka bilaabaya Garoowe

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo...

RW Xamza oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre,...

Madaxweynaha Suuriya oo rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadllada kala dhaxeeya Israa’iil

Madaxweynaha ku meel-gaarka ah ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkeeyay muhiimadda E-Visa iyo Aqoonsiga Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad oo...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 17/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles