Saturday, August 8, 2026

Shirka Dhismaha Maamulka SSC oo Markale Maanta Ka Furmaya Laascaanood

Waxaa maanta magaalada Laascaanood si rasmi ah uga furmaya wejiga xiga ee Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo la soo xulay 301 ergo oo metelaya qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhalinyaro, haween, cuqaal iyo waxgarad.

Ergadan la doortay ayaa door muhiim ah ka qaadan doonta dhismaha maamulka cusub, iyagoo qeyb ka noqon doona qaabeynta kuraasta maamulka SSC iyo dejinta qaab-dhismeedka guud ee maamulka.

Wararka naga soo gaaraya Laascaanood ayaa intaa ku daraya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xiisaynayso in ergadan cusub ay si toos ah u doortaan maamulka cusub ee SSC, si loo helo maamul ku dhisan matalaad dhab ah iyo wada-tashi bulshada dhexdeeda ah.

Shirkan maanta ka furmaya magaalada Laascaanood ayaa wajahayo culeys siyaasadeed oo ugu imaanaya maamulka Puntland.

Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo ka hadlay xiisadda siyaadadeed ee ka dhex aloosan Puntland iyo Khaatumo ayaa shaaciyay hal qodob oo uu ka abuurmay muranka labada dhinac.

Wasiir Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in hoggaanka khaatumo uu ka baxay go’aankii Puntland ku taageertay, oo ay ku dhawaaqeen isimada dhaqanka Laascaanood, ee ahaa in ay maamul gaar ah u samaysteen degaannadooda Sool iyo Cayn, haddase ay sheeganayaan degaannada Sanaag iyo Haylaan.

“Khaatumo waxaan leenahay, waad ka leexateen go’aankii isimadiina ee Puntland idinkula shaqaysay oo ahaa in aad rabitaankiina u madax-bannaan tihiin oo maamul gaar ah samaysateen, haddana waxaad sheeganaysaan Sanaag iyo Haylaan oo isimadoodu mowqif cad ka qaateen maamulkiina oo waad u ixtiraami la’ dihiin sidii la idin ixtiraamay” ayuu yiri Maxamed Cabdiwahaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles