Tuesday, January 13, 2026

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka.

Shirka golaha oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sharciyada lagu meelmariyay waxaa ka mid ah Sharciga Ciqaabta Soomaaliyeed kadib markii uu kasoo gudbay la tashiyo balaaran oo lagala yeeshay culumada, bulshada rayidka ah iyo sharci yaqaano, lana waafajiyay Diinta Islaamka, Dastuurka dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee dhanka xuquuqda aadanaha.

Golaha ayaa si qotodheer uga dooday sharciga dhismaha Hay’adda Maaraynta Deegaanka oo markii ugu horeysay uu dalka yeelanayo, xilli doorsoonka cimiladda uu sii xoogeysanayo, dalkana uu ka jiro xaaluf ba’an.

Sharciyada iyo heshiisyada Golaha ansixiyay waxaa ka mid ah

1.⁠ ⁠Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya , kaas oo ku saabsan iskaashiga batroolka, gaaska iyo macdanta.

2.⁠ ⁠Hindise Sharciyeedka dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka.

3.⁠ ⁠Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta Soomaaliya.

  1. Axdiga Caalamiga ah Baadi-goobka iyo Samatabixinta Badda.{Axdiga Sar 1979}
  2. Axdiyada Geneva 12 August 1949 [Additional Protocols ]

Golaha ayaa dhagaystay warbixino la xiriira horumarada laga sameeyay amniga iyo arrimaha doorashooyinka, iyada oo ugu dambeyntii uu Ra’iisulwasaare Xamse golaha faray in kaalin laga geysto hawlaha dhexdhexaadinta iyo nabadeynta colaadaha beelaha ee ka taagan qeybo ka mid ah dalka, iyada oo hawshan si gaar ah loogu xilsaaray wasaaradda Arrimaha Gudaha

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles