Wednesday, September 3, 2025

Shirka ka hortaga iyo xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u furay shir-wadatashi heer qaran ah oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga Hepatitis-ka ee muddada 2025 illaa 2030.

Shirkan oo labo maalmood socon doona ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii si wadajir ah loo dejin lahaa qorshe wax-ku-ool ah oo lagula tacaalo cudurka Cagaarshowga Hepatitis-ka oo si aamusnaan ah bulshada u saameeya.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay khubaro caafimaad oo heer qaran ah, Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed, wakiilo ka socdey dowlad-goboleedyada dalka, madax qeybeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, wakiillo ka kala socday jaamacadaha dalka, isbitaallada, iyo sidoo kale, waxaa shirka si firfircoon uga qeyb galay hay’adaha caalamiga ah ee sida tooska ah ula shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka, oo ay ugu horreeyaan WHO, African CDC, iyo hay’ado kale oo muhiim ah.

Khudbaddii furitaanka Wasiirka ayaa xoogga lagu saaray muhiimadda ay leedahay in cudurkan la helo qorshe qaran oo mideysan oo lagu yareyn karo faafitaankiisa, waxa uuna xusay in cudurka Cagaarshowga yahay mid si qarsoodi ah ugu faafa bulshada, islamarkaana sababa dhibaato caafimaad iyo dhaqaale, wuxuu carabka ku adkeeyay in qorshahan uu noqonayo mid salka u dhigi doona dadaallada Wasaaradda ee la xiriira yareynta cudurrada faafa, isagoo tilmaamay in la doonayo in la helo hannaan dhammaan hay’adaha ay ka go’an tahay ay ku midoobaan.

Ujeeddada shirkan ayaa ah in si wadareed loo helo talooyin, aragtiyo iyo istaraatiijiyad mideysan oo lagu hagayo qorshaha cusub ee dalka uu qaadanayo si looga hortago cudurka Cagaarshowga, waxaa la isweydaarsanayaa inta uu socdo Shirka xogaha la xiriira xaaladda cudurka ee dalka, caqabadaha taagan, iyo sida ugu habboon ee bulshooyinka looga wacyigelin karo halista cudurka, sidoo kale waxaa la falanqeyn doonaa kaalinta ay yeelan doonaan dhammaan qeybaha aan dowliga aheyn.

Wakiilada ka socday WHO iyo African CDC oo shirka ka hadlay ayaa bogaadiyay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ku bixinayso sugidda caafimaadka dadweynaha, waxa ayna ballan qaadeen inay sii xoojin doonaan taageerada farsamo iyo midda cilmiyeed ee la xiriirta la-dagaallanka cudurrada dilaaga ah ee uu ka mid yahay Cagaarshowga, sidoo kale waxay soo bandhigeen xog caalami ah iyo waayo-aragnimooyin guuleystay oo dalal kale ka hirgalay, taasoo kaalin weyn ka qaadan karta diyaarinta qorshaha Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa rajeynaysa in natiijada ka soo baxda shirkan ay horseedi doonto qorshe qaran oo miro-dhal ah, kaas oo lagu xakameyn karo cudurka Cagaarshowga Hepatitis-ka marka la gaaro sanadka 2030. Wasaaraddu waxay ku boorrisay dhammaan dhinacyada kala duwan inay gacan ka geystaan fulinta qorshahaan, si loo xaqiijiyo himilada ah helidda bulsho caafimaad qabta oo u adkaysata cudurrada faafa.

WARARKII KALE

Mareykanka oo weeraray markab daroogo siday

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Maraykanku uu...

MW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirada Midowga Yurub iyo Nederland

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada kaga...

Taliyaha AFRICOM oo AUSSOM iyo Jabuuti kala hadlay dagaalka Argagixisada

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka...

DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay Madaxii Amniyaadka Al-shabaab u qaabilsana Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa...

Madaxda Mandheere oo weli ka walaacsan ciidanka Jubbaland ee ku sugan gudaha Magaalada

Qaar kamid ah Mas’iiliyiinta laga soo doortay magaalada Mandheera...

UK oo shaacisay in ay si kumeel gaar ah u joojineyso habka muhaajiriinta ay ku keenaan qoysaskooda

Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday in ay si kumeel...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles