Shirka Wadatashiga Waxbarashada oo lagu qabtay magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Jowhar shirka wadatashiga arrimaha waxbarashada Soomaaliya.

Shirkan oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalaayo Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federal-ka iyo Maamulka Gobalka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XJFS Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa tilmaamay in shirkaan lagu gaari doono go’aanno muhiim u ah waxbarashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa yiri: “Hirshabeelle waxaa guul weyn u ah inay noqotay Dowlad-Goballeedkii ugu horeeyay ee lagu shaaciyo natiijada imtixaanka dugsiga sare ee Soomaaliya. Rejo weyn ayaan ka qabaa in shirkan laga soo saaro go’aanno guul u ah waxbarashada Soomaaliya.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles