Monday, July 20, 2026

Shirkii u dhexeeyay DF iyo Mucaaradka oo Natiijo la’aan ku soo dhammaaday

Wadahadalladii u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha guddiyada dhinacyada mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin qodobadii la isku hayay.

Kulankan oo ay garwadeen ka ahaayeen wakiillo ka socda Beesha Caalamka iyo dowladda Turkiga ayaa qaatay saacado badan, waxaana doodihii ugu adkaa lagu yeeshay gudaha xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in labada dhinac ay dib ugu laabteen isla qodobadii muranka dhaliyay ee shirarkii hore lagu kala tagay, kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin qaabka loo wajahayo nidaamka doorashada, doorasho toos ah, nidaamka 4.5 iyo ilaalinta qoondada haweenka ee 30%.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhinacyadu aysan ku guuleysan inay meel dhexe iska soo dhaweeyaan aragtiyahooda, taas oo keentay in kulanka uu ku soo dhammaado iyadoo aan la gaarin wax is-afgarad ah.

Wadahadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo Beesha Caalamka ay ku boorrisay dhinacyada siyaasadda inay sii wadaan wada-hadallada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Toban qof ayaa ku geeriyooday markab ganacsi oo lagu weeraray Badda Madow

Tirada dadka ku dhintay weerar Ruushku ku qaaday markab...

Xuutiyiinta oo ku dhawaaqay iney “badda ka go’doominayaan” Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay ku soo rogeen...

Khalil al-Hayyah oo loo doortay hoggaamiyaha cusub ee Xamaas

Ururka Xamaas ayaa u magacowday in uu noqdo hoggaamiyahooda...

RW Xamsa oo ka qeyb galay xafladda qalin jabinta dufcadii 1-aad ee Machadka Dacwada iyo Daraasaadka Islaamka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Dagaal xooggan oo ka bilowday Boosaaso

Dagaal xooggan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka qarxay meel...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles