Sunday, April 12, 2026

Shirweynaha Golaha Mustaqbalka Mucaaradka Soomaaliya oo ka furmay Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah looga furay Shirka Golaha Mustaqbalka Mucaaradka Soomaaliya, kaas oo uu marti-gelinayo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha siyaasadeed ee ugu muhiimsan dalka, gaar ahaan wax-ka-beddelkii lagu sameeyay Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo muran xooggan dhaliyay, iyo sidoo kale nidaamka doorashooyinka ee la qorsheynayo sanadka 2026.

Shirka waxaa ka qeyb-galaya hoggaamiyeyaal siyaasadeed, xubno ka tirsan mucaaradka, waxgarad iyo mas’uuliyiin hore oo ka kala yimid gudaha iyo dibadda dalka, kuwaas oo ka arrinsanaya mustaqbalka siyaasadeed iyo badbaadinta midnimada iyo hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in uusan jirin khilaaf shaqsi ah oo isaga kala dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
“Madaxweyne Xasan wax shaqsi ah iskuma hayno, cafis ayuuna iga yahay, keliya waxa aan u baahan nahay waa in aan dalka badbaadinno,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa la filayaa in shirka, oo socon doona maalmo, ay ka soo baxaan go’aanno adag iyo qodobo siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, dastuurka, iyo jihada siyaasadeed ee dalka, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ee soo socota.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo magacowday Guddiga Farsamada Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya ayaa...

Cumar C/Rashiid oo digay halista ka dhalan karta shidaal qodista

RW hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa...

Geelle oo mar 6-aad loo doortay Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha...

Uganda oo weerar afka ah ku qaaday Turkiga, kuna faanay doorkii Uganda ee dagaalladii Muqdisho

Taliyaha Ciidamada dalka Uganda, ahna wiilka Madaxweynaha Yoweri Museveni,...

Ciidamada Amniga oo qaraxyo ku qabtay Muqdisho

Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa ku guuleystay inay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles