Israel ayaa weerartay caasimada Yemen ee Sanca shalay sidaasina waxaa sheegay warbaahin taageerta Xuutiyiinta iyo wasiirka difaaca Israel. 8 qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen weerarka.
Weerardan ayaa ku soo aaday maalin kaddib markii dhowr qof lagu dhawacay magaalada Eilat Arbacadii weerar drone oo Xuutiyiintu sheegteen in ay ka dambeeyeen.
Xafiiska raysalwasaaraha Israel aya sheegay in Mr. Benjamin Netanyahu uu bixiyay amarka lagu weerary Yemen xili uu saarnaa duulimaad u socdy New York.
Kooxda Ansaru-llah ee Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay in ay ku duqeeyeen Isreal Gantaalada ridada dheer ee “Falastiin-2”, waxay sheegeen in ay hakad geliyeen isu socdaka garoonka diyaaradaha Ben Gurion.
Tirada dadka ku dhintay weerarka Israel ee Sanca ayaa gaartay 8 qof halka dhaawucuna ahaa 142 qof sida ay sheegeen Xuutiyiintu.
Afhayeen u hadlay wasaarada caafimaadka Xuutiyiinta, Anis al-Asbahi ayaa ku qoray barta X, “tirada dhimashada waa 8, dhaawacana waa 142”, wuxuuna intaas ku daray in ay tirada intaas ka sii badan karto.
Xuutiyiintu ayaa bilaabay in ay weeraraan Israel kaddib markii uu bilowday dagaalka Gaza. Waxay sidoo kale weereen maraakiib ay sheegeen in lala xiriirinayo Israel. Israel iyadana waxay weeraro jawaab ah ku qaaday meelaha Xuutiyiintu maamulaan ee Yemen.


