Sideed qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen duqeynta Israel ee Sanca

Israel ayaa weerartay caasimada Yemen ee Sanca shalay sidaasina waxaa sheegay warbaahin taageerta Xuutiyiinta iyo wasiirka difaaca Israel. 8 qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen weerarka.

Weerardan ayaa ku soo aaday maalin kaddib markii dhowr qof lagu dhawacay magaalada Eilat Arbacadii weerar drone oo Xuutiyiintu sheegteen in ay ka dambeeyeen.

Xafiiska raysalwasaaraha Israel aya sheegay in Mr. Benjamin Netanyahu uu bixiyay amarka lagu weerary Yemen xili uu saarnaa duulimaad u socdy New York.

Kooxda Ansaru-llah ee Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay in ay ku duqeeyeen Isreal Gantaalada ridada dheer ee “Falastiin-2”, waxay sheegeen in ay hakad geliyeen isu socdaka garoonka diyaaradaha Ben Gurion.

Tirada dadka ku dhintay weerarka Israel ee Sanca ayaa gaartay 8 qof halka dhaawucuna ahaa 142 qof sida ay sheegeen Xuutiyiintu.

Afhayeen u hadlay wasaarada caafimaadka Xuutiyiinta, Anis al-Asbahi ayaa ku qoray barta X, “tirada dhimashada waa 8, dhaawacana waa 142”, wuxuuna intaas ku daray in ay tirada intaas ka sii badan karto.

Xuutiyiintu ayaa bilaabay in ay weeraraan Israel kaddib markii uu bilowday dagaalka Gaza. Waxay sidoo kale weereen maraakiib ay sheegeen in lala xiriirinayo Israel. Israel iyadana waxay weeraro jawaab ah ku qaaday meelaha Xuutiyiintu maamulaan ee Yemen.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles