Thursday, August 20, 2026

Siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka oo Maanta shir xasaasi ah ugu socda Muqdisho

Siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka  ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shir xasaasi ah uga socdaa magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa imaanaya iyadoo la filayo in maalinta berri ah kulankii labaad la yeeshaan Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 25-kii bishii June uu dhex maray kulankii ugu horeeyay.

Shirka Madasha mucaaradka ayaa waxaa looga doodayaa qodobadii ay la hortegi lahaayeen kulan ay la leeyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar aanu ka helnay xubno ka mida Madasha Mucaaradka ayaa sheegaya in kulanka maanta ay ku diyaariyaan in si rasmi ah loo guda galo qodobadda muhiimka ah ee La isku hayo.

Kulankii hordhaca ayaa la isku afgartay ajande ka kooban afar qodob, balse waxaa Ugu muhiimsan labada qodob ee kala ah:

  1. Wax ka bedelka Dastuurka oo madaxweynuhu ogolaaday in laga wadahadlo.
  2. Iyo Hannaanka Doorashooyinka oo La raadinayo Doorasho heshiis lagu yahay.

Wadahadalka labada dhinac waxaa saameyn ku leh Arrin muhiimka oo madaxweyne Xasan Sheekh u xilsaaray Mucaaradka, taasoo ah inay La xiriiraan, wadahadalkana kusoo daraan maamul Goboleedyada maqan ee Puntland iyo Jubbaland.

Xogtii ugu danbeysay ayaa sheegeysa inay xiriiro dhex mareen madaxda Mucaradka, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, isla markaana ay labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland shuruudo ku xireen wadahadalka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulanka labaad ee la filayo inay  Berri yeeshaan Madasha mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee labada dhinac dood toos ah ka yeeshaan qodobadda la isku khilaafsan yahay.

Guddi farsamo oo labada dhinac ah ayaa la filayaa in la sameeyo, kaasoo ay kulankii hore ay diideen Mucaaradka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiiro Cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Sharciga Iibka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur...

Ciidan iyo Saraakiil Somaliland ka tirsanaa oo ku biiray Maamulka Waqooyi Bari

Ciidan iyo saraakiil hore uga tirsanaa Somaliland ayaa la...

Guddoomiye Jaamac oo digniin culus u diray xildhibaanada ka maqnaada fadhiyada BF

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed...

Koofur Galbeed oo soo bandhigtay maxaabiis lagu qabtay dagaalkii Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles