Thursday, July 10, 2025

Siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka oo Maanta shir xasaasi ah ugu socda Muqdisho

Siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka  ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shir xasaasi ah uga socdaa magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa imaanaya iyadoo la filayo in maalinta berri ah kulankii labaad la yeeshaan Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 25-kii bishii June uu dhex maray kulankii ugu horeeyay.

Shirka Madasha mucaaradka ayaa waxaa looga doodayaa qodobadii ay la hortegi lahaayeen kulan ay la leeyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar aanu ka helnay xubno ka mida Madasha Mucaaradka ayaa sheegaya in kulanka maanta ay ku diyaariyaan in si rasmi ah loo guda galo qodobadda muhiimka ah ee La isku hayo.

Kulankii hordhaca ayaa la isku afgartay ajande ka kooban afar qodob, balse waxaa Ugu muhiimsan labada qodob ee kala ah:

  1. Wax ka bedelka Dastuurka oo madaxweynuhu ogolaaday in laga wadahadlo.
  2. Iyo Hannaanka Doorashooyinka oo La raadinayo Doorasho heshiis lagu yahay.

Wadahadalka labada dhinac waxaa saameyn ku leh Arrin muhiimka oo madaxweyne Xasan Sheekh u xilsaaray Mucaaradka, taasoo ah inay La xiriiraan, wadahadalkana kusoo daraan maamul Goboleedyada maqan ee Puntland iyo Jubbaland.

Xogtii ugu danbeysay ayaa sheegeysa inay xiriiro dhex mareen madaxda Mucaradka, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, isla markaana ay labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland shuruudo ku xireen wadahadalka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulanka labaad ee la filayo inay  Berri yeeshaan Madasha mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee labada dhinac dood toos ah ka yeeshaan qodobadda la isku khilaafsan yahay.

Guddi farsamo oo labada dhinac ah ayaa la filayaa in la sameeyo, kaasoo ay kulankii hore ay diideen Mucaaradka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 09/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweynaha Hirshabelle oo Xariga Xarumaha Caafimadka iyo Wadooyinka (SCRP)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Taliye Asad oo gaadiid dagaal kala wareegay Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

RW Xamse”Federaalka looma keenin kala qeybin bulsho iyo faragelin shisheeye

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo...

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan  Muuse Salaad Wehliye ayaa madax ka...

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada Kulliyada Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Qaraxaan ismiidaaminta ah oo daqiiqado  ka dhacay xerada ciidamada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles