Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta Mucaaradka DFS oo labo garab u kala jabay

Waxaa labo garab u kala jabay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysnaayeen Madaxdii hore ee dalka.

Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid, Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa xalay ku dhawaaqay inay isaga baxeen xubinnimada Madasha Samatabixinta Qaranka.

Mas’uuliyiintan ayaa go’aankooda ku shaaciyay fadhi ay isugu yimaadeen xubnaha Madasha, iyagoo caddeeyay inay ku wajahanyihiin furitaanka xisbiyo siyaasadeed oo rasmi ah.

Wararka ayaa tilmaamaya in afartan siyaasi ay hore ugu dhowayeen dhinaca Villa Soomaaliya, islamarkaana ay ka qeyb galeen wada xaajoodyo dhowaan u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Madasha Samatabixinta.

Is-casilaaddan ayaa ku soo beegantay, iyadoo Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka uu maanta shaaciyay in dib loo furay is-diiwaangelinta axsaabta siyaasadeed iyo codbixiyeyaasha muddo labo toddobaad ah.

Sida la xaqiijiyay, siyaasiyiintan ayaa qorsheynaya inay si wadajir ah u sameystaan xisbi siyaasadeed weyn oo qayb ka noqon doona hannaanka doorashada qof iyo codka ah ee uu ku goodinayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnaha isaga baxay Madasha ayaa dhabar-jebin siyaasadeed ku sameeyay saaxiibadoodii mucaaradka, taas oo muujinaysa kala fogaansho iyo kala shakiga sii xoogeysanaya ee ka dhex jira siyaasiyiinta kasoo horjeeda Villa Soomaaliya.

Dhanka kale, hoggaamiyeyaasha mucaaradka sida Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble, Saacid Cali Shirdoon iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa u muuqda inay dagaal siyaasadeed adag kula jiraan Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo khudbadihii ugu dambeeyay ee Madaxweynaha laga dareemayay fariin cad oo ku wajahan mucaaradka, islamarkaana uu sheegay in cid kasta oo qalalaase abuurta “kabaha la dulmarin doono”.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles