Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta Mucaaradka DFS oo labo garab u kala jabay

Waxaa labo garab u kala jabay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysnaayeen Madaxdii hore ee dalka.

Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid, Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa xalay ku dhawaaqay inay isaga baxeen xubinnimada Madasha Samatabixinta Qaranka.

Mas’uuliyiintan ayaa go’aankooda ku shaaciyay fadhi ay isugu yimaadeen xubnaha Madasha, iyagoo caddeeyay inay ku wajahanyihiin furitaanka xisbiyo siyaasadeed oo rasmi ah.

Wararka ayaa tilmaamaya in afartan siyaasi ay hore ugu dhowayeen dhinaca Villa Soomaaliya, islamarkaana ay ka qeyb galeen wada xaajoodyo dhowaan u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Madasha Samatabixinta.

Is-casilaaddan ayaa ku soo beegantay, iyadoo Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka uu maanta shaaciyay in dib loo furay is-diiwaangelinta axsaabta siyaasadeed iyo codbixiyeyaasha muddo labo toddobaad ah.

Sida la xaqiijiyay, siyaasiyiintan ayaa qorsheynaya inay si wadajir ah u sameystaan xisbi siyaasadeed weyn oo qayb ka noqon doona hannaanka doorashada qof iyo codka ah ee uu ku goodinayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnaha isaga baxay Madasha ayaa dhabar-jebin siyaasadeed ku sameeyay saaxiibadoodii mucaaradka, taas oo muujinaysa kala fogaansho iyo kala shakiga sii xoogeysanaya ee ka dhex jira siyaasiyiinta kasoo horjeeda Villa Soomaaliya.

Dhanka kale, hoggaamiyeyaasha mucaaradka sida Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble, Saacid Cali Shirdoon iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa u muuqda inay dagaal siyaasadeed adag kula jiraan Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo khudbadihii ugu dambeeyay ee Madaxweynaha laga dareemayay fariin cad oo ku wajahan mucaaradka, islamarkaana uu sheegay in cid kasta oo qalalaase abuurta “kabaha la dulmarin doono”.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles