Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka timid Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la xiriirtay awood ay ku sheegtay inay ku leedahay heshiisyada la xiriira Dekedda Berbera.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay si buuxda u diidan tahay hadallada ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ku dooneyso inay ku sheegato awood sharciyeed oo ku saabsan heshiisyo ka dhacay Berbera.
Somaliland waxay caddeysay in Berbera ay tahay qayb ka mid ah dhulka madaxbannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana aysan Dowladda Federaalka Soomaaliya wax sharci ah, maamul ama awood wax ku ool ah ku lahayn dhulkaas iyo heshiisyada ka hirgalay.
Sidoo kale, xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in Soomaaliya aysan ahayn dhinac ka mid ah heshiisyada ay Somaliland la gashay dalalka kale, isla markaana aysan wax sharci ah u lahayn inay joojiso, wax ka beddesho ama faragelin ku sameyso heshiisyadaas.
Warsaxaafadeedka ayaa si gaar ah loogu xusay in dhammaan heshiisyada u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay yihiin kuwo sharci ah, ansax ah, islamarkaana si buuxda u waafaqsan dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah.
Somaliland waxay ku tilmaantay faragelin kasta oo ka timaadda Villa Soomaaliya mid aan sharciyad caalami ah lahayn, kana hor imaaneysa xaqiiqooyinka jira iyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah.
Somaliland ayaa muujisay mahadcelin ay u jeedisay Dowladda Imaaraadka Carabta, iyada oo xustay iskaashi muddo dheer soo jiray oo ku saleysan xasillooni, horumar dhaqaale iyo ixtiraam dhinac walba ah.



