Somaliland oo sheegtay in lagu soo dhoweeyay aqalka Baarlamaanka Israa’iil

Xukuumadda  Somaliland, ayaa sheegtay in wefdi ka socda Somaliland lagu soo dhoweeyay aqalka baarlamaanka Israa’iil ee Knesset.

Qoraal la soo dhigay barta facebookga ee Telefishanka Qaranka Soamliland ayaa lagu yiri sidan:

“Wefti ka socda Somaliland oo lagu soo dhaweeyay aqalka baarlamaanka Israaiil ee Knesset, ka dib markii ay martiqaad rasmi ah ka heleen aqalka Knesset”.

“Tallaabadan ayaa ka mid ah dedaallada diblomaasiyeed ee ay Somaliland iyo Israaiil kor ugu qaadayaan xidhiidhkooda rasmiga ah”, ayaa lagu yiri qoraalka telefishanka qaranka.

Faahfaahin dheeri ah lagama bixin wefdiga la sheegay in la soo dhoweeyay.

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo dhawaan laysla dhex marayay warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu u safray, ama uu isu diyaarinayo safar uu ku tago Israa’iil, ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada ilaa shalay, balse waxaa garab socda qodobbo muhiim ah oo aanan weli la xaqiijin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles