Dawladda Federaalka ee Soomaliya ayaa sheegtay in ay si dhow ula shaqeeyaan jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, oo ay sheegtay inuu ka dhexeeyo xidhiid toos ah oo joogto ah.
Wasiiru- dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, oo u warramayey Doha news, isaga oo ku sugan magaalada Dooxa ee dalka Qatar, ayaa sheegay in Somaliland weli qayb ka tahay Somalia, isla markaana ay socdaan deddaallo dublamaasiyaddeed oo xal loogu raadinayo arrimaha labada dhinac.
Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayuu sheegay Cali Balcad, in ay ka go’an tahay wada hadal lala yeesho Somaliland “Waxaan rajaynaynaa inaan gaari doonno heshiis, isla markaana xal siyaasadeed oo waara la heli doono,” ayuu yidhi Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya.
Dhinaca kale, Somaliland ayaa beenisay inuu jiro xidhiidh toos ah oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo wada hadallo dhex maray labada dhinac.
War ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland soo saartay ayey ku sheegtay, in ay si rasmi ah u hakisay wada-hadallada horraantii sanadkan kadib faragelin Soomaaliya ku samaysay arrimaha gudaha ee Somaliland.
“Somaliland waa dal madax-bannaan, xasilloon, isla markaana nabad ah. Shacabkeeduna ay midaysan yihiin oo adkaysi leh. Hadallo aan sal lahayn ma abuuri doonaan kala-qaybsanaan ama shaki gudaha Somaliland ah.” ayuu lagu yidhi qoraalkan Wasaaradda arrimaha Dibeddu ku baahisay barteed X e horey loo oran jiray Twitter.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland waxay sheegtay in ay istaageen wada hadalladii Somaliland iyo Somaaaliya”Geeddi-socodkii wada-hadalku si rasmi ah ayuu u istaagay. Mas’uul kasta ma laha awoodo uu ku qalloociyo xaqiiqadan ama ku soo saaro bayaanno marin-habaab ah oo loo gudbiyo warbaahinta caalamiga ah si uu u helo sumcad shaqsiyeed.” ayay tiri wasaaraddu.


