Monday, July 27, 2026

Waaxda dambi-baarista Kenya oo soo xiray dad ay ku jiraan Soomaali

Waaxda dambi-barista Kenya ayaa sheegay inay howlgal xirfadeysan ku soo xireen 26 qof oo sida la sheegay ku lug lahaa ama si sharci darro ah oo aan waafaqsanayn habraaca helitaanka dukumentiyada muhiimka ah ee dawladda ku bixinayay dukumentiyo ay kamid yihiin Kaararka Aqoonsiga dalka, Baasaboorka, Shahaadooyinka Dhalashada, iyo Kaararka Aqoonsiga Ajaanibta ee dadka ajaaniibta ah iyo kuwo kale.

Hawlgalka oo laba maalmood socday ayaa lagu qabtay shaqaale dawladeed oo ka tirsan Xafiiska Diiwaan-gelinta Qaranka iyo Agaasinka Socdaalka, iyadoo sidoo kale la qabtay odayaal dhaqameed, maalgeliyayaasha qorshayaasha sharci-darrada ah, iyo dhexdhexaadiyeyaal dardar geliyay soo saarista dukumentiyadan iyada oo loo marayo waddooyin musuqmaasuq ah.

Baaritaannada ayaa shaaca ka qaaday shabakad isku xiran, halkaasoo shaqaalaha dawladdu ay si xun u jebiyeen habraacyada la dejiyay, iyaga oo ka faa’iideystay jagooyinkooda si ay u fududeeyaan diiwaangelinta iyo soo saarista dukumentiyada aasaasiga ah si sharci darro ah.

Ganacsigan sharci darrada ah ah ayaa si xun u wiiqaya daacadnimada nidaamyada dawladda, waxaana uu dalka u hor seedayaa khataro xagga amniga ah oo halis ah, oo ay ku jirto soo gelitaanka iyo ka bixitaanka dadka e dalka si qarsoodi ah.

Intii hawlgalku socday, dambi baarayaasha ayaa gacanta ku dhigay tiro badan oo dukumentiyo dawladeed iyo agabyo kale oo laga helay guryaha qaar ka mid ah eedaysanayaasha, kuwaas oo ah agab ay tahay in si adag loogu ilaaliyo xafiisyada dawladda Kenya.

Waxyaabaha laga helay waxaa ka mid ah: Foomamka codsiga Aqoonsiga Qaranka oo kuwo la buuxiyay iyo kuwa aan la buuxin, qalabka faraha lagu qaadayay, shahaadooyinka dhalashada iyo geerida, baasaboorka, Shaambadaha rasmiga ah ee dawladda, iyo agabka kale ee diiwaangelinta.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa kamid ah dad Soomaali ah oo isugu jira ganacsato iyo shaqaale u shaqeeya dowladda iyo dad kale oo u dhashay dalka Kenya oo iyaguna u shaqeeya dowladda.

Dhammaan eedaysanayaasha ayaa hadda ku jira xabsiga, iyagoo maraya habraacyo ay wadaan hay’ado badan ka hor inta aan la horgeyn maxkamadda.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Yahuudda la dajiyay Daanta Galbeed ayaa gubay masaajidyo, gawaari iyo beero

Saraakiil Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in Yahuudda la deegaameeyayay...

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen daroon lagu sameeyay Turkiga oo Sacuudigu isticmaalayay

Yahya Saree, oo ah afhayeenka xoogaga Xuutiyiinta Yemen, ayaa...

Iran iyo Maraykanka oo sheegay ‘in ay dib u bilaabayaan wadahadalada

Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo...

Puntland oo digniin u dirtay DFS iyo Galmudug

Maamulka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles