Friday, April 3, 2026

Soomaaliland oo DFS ku eedeysay dagaalkii shalay ka dhacay Sanaag

Wasaarada difaaca ee Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu dhacay kadib markii maleeshiyaad hubeysan oo ku sheegtay in ay taageerto Soomaaliya ay weerar ku qaadeen dad xoolo-dhaqato ah, waa sida iyagu ay sheegeen.

War qoraal ah  oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo dhawaan socdaal ku tagay magaalada Laascaanood, uu lahaa abaabulka dagaalkan, si uu khalalaase uga abuuro gudaha Somaliland.

“Ficillada noocan ahi waxay khatar ku yihiin amniga gobolka, waxayna ka hor imanayaan mabaadi’da madaxbannaanida iyo xidhiidhka derisnimo, Xilli ay Somaliland hormuud ka tahay nabadda iyo iskaashiga Geeska Afrika, kicintan colaadeed waxay wiiqaysaa dadaallada nabadda” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Sidoo kale , waxay beesha caalamka ugu baaqday in ay la socdaan xiisaddan soo cusboonaatay, islamarkaana ay qaadaan tallaabooyin lagu xakameynayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Dayaarad dagaal oo Maraykanku leeyahay oo ku dhacday gudaha Iiraan

Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa ku burburtay...

Mahad Salaad oo la kulmay madaxda hay’adaha CIA iyo FBI

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA),...

Taliya ciidamada xoogga oo sheegay inuu bilaaban doono howlgal culus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud oo...

Guddoomiye Shuute oo Fariin adag u diray Ciidamada

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles