Sunday, June 1, 2025

Soomaaliland oo DFS ku eedeysay dagaalkii shalay ka dhacay Sanaag

Wasaarada difaaca ee Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu dhacay kadib markii maleeshiyaad hubeysan oo ku sheegtay in ay taageerto Soomaaliya ay weerar ku qaadeen dad xoolo-dhaqato ah, waa sida iyagu ay sheegeen.

War qoraal ah  oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo dhawaan socdaal ku tagay magaalada Laascaanood, uu lahaa abaabulka dagaalkan, si uu khalalaase uga abuuro gudaha Somaliland.

“Ficillada noocan ahi waxay khatar ku yihiin amniga gobolka, waxayna ka hor imanayaan mabaadi’da madaxbannaanida iyo xidhiidhka derisnimo, Xilli ay Somaliland hormuud ka tahay nabadda iyo iskaashiga Geeska Afrika, kicintan colaadeed waxay wiiqaysaa dadaallada nabadda” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Sidoo kale , waxay beesha caalamka ugu baaqday in ay la socdaan xiisaddan soo cusboonaatay, islamarkaana ay qaadaan tallaabooyin lagu xakameynayo.

WARARKII KALE

Israa’iil oo wasiirrada Carabta ka hor istaagtay inay tagaan Gaza

Dowladda Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in ay dhowr...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Xildhibaano Cusub oo maanta lagu doortay Jowhar

Waxaa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle lagu qabtay doorasho dib-u-buuxin ah...

Puntland oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Taliskii ugu weynaa ee Daacish ku laheyd Ceelka Miraale

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Taliskii ugu...

Dhisme ku dumay Degmada Howlwadaag iyo Dad Badan oo Khasaaro soo gaaray

Inta la xaqiijiyay in Seddex qof ayaa geeriyootay halka...

Duqeyn lala beegsaday saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Shabeelada Hoose iyo Jubbada Dhexe

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo waxaa ay ka fuliyeen deegaano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles