Tuesday, May 13, 2025

Cali Geedi oo DFS iyo Hirshabelle ugu baaqay in deg deg looga saaro Al-shabaab deegaanada ay qabsadeen

R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa si adag ugu hadlay dagaalka ka socda deegaanada Hirshabelle iyo sababta keentay in Al-shabaab ay dib ula wareegeen degmooyin 2 sano ka hor laga saaray.

Qoraal uu ku daabacay Bartiisa Facebook-ga ayaa waxaa uu ku sheegay in ceeb iyo sharaf dhac ay ku tahay dadka ka soo jeeda degmooyinka Ceelbaraf, Masaajid Cali Gaduud, Al-Kowther iyo Aadan Yabaal in maleeshiyaadka Al-shabaab ay qabsadaan.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabelle ayuu ugu baaqay in ay la yimaadaan qorsho istaraatiijid ah oo Al-shabaab looga saari karo degmooyinka ay haystaan.

“Waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka ah ee Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo dowlad-goboleedka HirShabeelle ee uu horkacayo MW Cali Guudlaawe iyo sidoo kale hay’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer maamul goboleedba oo kaashanaya shacabkooda inay la yimaadaan istarateejiyad siyaasadeed, mid dagaal iyo mid difaac oo heshiis lagu wada yahay, si looga adkaado loona ciribtiro cadawga arxan laawaha ah ee ku soo gardarrooday dadkeenna iyo dalkeenna. “ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Qoraalka ayaa u qornaa sidan:-

CEEB IYO SHARAF DHAC

Qaranka iyo bulshada degmooyinka sawirka ka muuqda, waxaa ceeb iyo sharaf dhac ku ah in magaalooyinkan aad arkaysaan oo cadawga khawaarijta argagixisada ah laga xoreeyay muddo 2 sanadood ka hor ah, misana Al Shabaab ay dib u qabsadaan.

 

Haddaba, su’aashu waxay tahay, maxaa keenay fahilka dagaalka iyo in cadawgu uu guuleysto ? Ma siyaasad xumi baa ? Ma ciidan yari baa (tiro, tayo iyo hub) ? Ma qorshe la’aan baa ? Ma taakulayn la’aan baa ? Ma wada shaqayn la’aan baa ?. Ma la dhihi karaa, sababaha fashilka waxaa caadayn kara ama qeexi kara jawaabaha rasmiga ah ee loo helo su’aalaha sare oo isbiirsaday.

Waa la hubaa in khawaarijtu aanay ku waari doonin, balse sow waqtiga ay joogto baabi’in meyso mashaariicdii horumarineed ee dowladnimada lagu hirgeliyay ? sida Isbitaalladii ? Iskuulladii ? Dugsiyadii quraanka ? Masaajiddii ? Ceelashii biyaha ? Xarumihii amniga ? iyo goobihii ganacsiga ?

Sow in dib loo xoreeyo, oo lama huraan ah , maneheedu ma ahan in mar kale lagu bixiyo maskax, maal iyo dhiig badan oo daata ? Haa…intaba waa lagu bixinayaa iyadoo aan weiba loo kala harin dowlad iyo dadweynaba.

Sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka ah ee Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo dowlad-goboleedka HirShabeelle ee uu horkacayo MW Cali Guudlaawe iyo sidoo kale hay’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer maamul hoboleedba oo kaashanaya shacabkooda inay la yimaadaan istarateejiyad siyaasadeed, mid dagaal iyo mid difaac oo heshiis lagu wada yahay, si looga adkaado loona ciribtiro cadawga arxan laawaha ah ee ku soo gardarrooday dadkeenna iyo dalkeenna.

Baaqaygani wuxuu ku socdaa dhamaan dowlad-goboleedyada iyo bulshada Soomaaliyeed inay u istaagaan la dagaallanka Al Shabaab iyo Daacish si dadkeenna iyo dalkeennu ay u helaan nabad iyo xasillooni iyo horumar waara.

 

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 12/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa Hadaf keenun Waa Doorasho Qof iyo Cod Ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

DFS iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo shir uga furmay Magaalada Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir...

Xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sacuudi Carabi

Qaar ka mid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan 1446...

Maxaa looga hadli doonaa kulanka Golaha shacabka ee maanta?

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii...

Ciidamada xoogga iyo kuwa Daraawiishta KGS oo weerar ku qaaday duleedka deegaanka Deynuunay ee Gobolka Baay

Ciidanka Daraawiishta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo garab...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles