Tuesday, June 3, 2025

Soomaaliland oo go’aan culus ka soo saartay socdaalka RW Xamsa ee Laascaanood

War ka soo baxay Golaha Wakiillada Somaliland ayaa lagu sheegay in faragelin ay tahay safarka RW Xamsa ee maanta uu ku tagay Magaalada Laascaanood, iyagoo xukuumadda madaxweyne Cirro ugu baaqay in la joojiyo wadahadala Somaliland iyo Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay soo jeediyeen in MW Ciro uu shir deg deg ah isugu yeeray labada gole ee maamulka, si looga arrinsado xaalada magaalada Laascaanood.

Go’aanada ka soo baxay golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa ka mid ah:-

 1- Golaha Wakiillada Somaliland wuxuu taageerayaa mawqifka xukuumadda JSL ka qaadatay imaatinka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Degmada Laas-caanood ee Gobolka Sool ee Somaliland oo faro-gelin qaawan ku ah madax bannaanida iyo qarannimada JSL, isla markaana wuxuu xukuumadda ugu baaqayaa in ay si degdeg ah ugu diyaargarawdo sugidda iyo ilaalinta xuduudaha qaranka ee ay u xil-saran tahay.

2. Golaha Wakiilladu wuxuu xukuumadda u soojeedinayaa in ay gebi ahaanba laasho isla markaana aanay qayb ka noqon wada-hadal danbe oo ay xukuumaddu la yeeelato maamulka soomaaliya.

3. Golaha wakiiilladu wuxuu madaxweynaha JSL Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u soo jeedinayaa in uu isugu yeedho golayaasha qaranka, xisbiyada siyaasadda iyo guud ahaan wax-garadka jamhuuriyadda Somaliland si talo midaysan looga yeesho isla markaana xal looga gaadho xaaladda Degmada Laas- caanood iyo imaatinka Ra’iisal Wasaaraha.

4. Sidaa awgeed waxay sidoo kale u caddaynaysaa in natiijo kasta oo ka dhalata safarka Ra’iisal Wasaaruhu liddi ku yahay amniga iyo xasillooonida mandaqadda ayna maas’uuliyadda wixii dhibaabo ah ka yimaaddao keligeed dawladda Muqdisho.

 

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 02/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Maxay ka wadahadleen R/wasaare Xamsa iyo MW Jabuuti?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Farmaajo oo ku baaqay in Puntland iyo Jubbaland laga soo qeyb geliyo Shirka uu ku baaqay MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo...

Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo maanta Kulan ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa...

Madaxweyne Qoor Qoor oo u Jawaabay mucaaradka” Xisbi siyaasadeed furto, dadkiina Aamina”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug,Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa...

Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn laga fuliyey Puntland

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Taliska Ciidamada Mareykanka ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles