Wednesday, July 30, 2025

Soomaaliland oo ka hortimid qorshaha MW Xasan Sheekh uu Mareykanka ku siinayo Dekad iyo Saldhig Ciidan

War qoraal ah oo uu ku baahiyay  Bartiisa X ee loo aqoon jiray Twitter Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa ka horyimid qorshaha madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadan inuu deked iyo saldhigyo uu Mareykanka ka siiyo deegaanadeeda, isagoona arrintan ku sifeeyay in tallaabada madaxweynaha Soomaaliya, uu ugu bandhigay Maraykanka inuu ku wareejinayo dekedda iyo garoonka Berbera ay tahay tusaale dhammaystiran oo fasiraya beenta iyo  dawladnimada fashilantay ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeen Xuseen Deyr  ayaa waxa  uu cambaareeyay hindiso uu ku sheegay in ay tahay been abuurka ee Soomaaliya ku tilmaamay in daboolka lagu saarayo waaqaca dhabta ah.

Maraykanka iyo beesha caalamka ayaa waxaa uu ugu baaqay inay aqoonsadaan madaxbannaanida J Somaliland oo leh hantida uu madaxweynaha Soomaaliya sida been abuurka ah u sheeganayo, sida uu yiri afhayeenka.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxaa qoraalkiisa intaas ku daray in dekedda iyo Garoonka  Berbera ay yihiin kaabeyaasha istaraatajiga ah ee dhaqaalaha maamulka Somaliland.

” Somaliland tan iyo markii ay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda oo waafaqsan xuduudihii gumeystuhu ka tagay, waxa ay Somaliland dhidibada u taagtay dawlad xasilloon, dimuqraadi ah, isla markaana is bixisay,” ayuu yidhi Afhayeenka madaxweynuhu.

Afhayeenka ayaa sidoo kale qoraalkiisa sii wata waxaa uu ku dooday in Somaliland ay si buuxda u xukunto xudduudaheeda badda, dhulka, hawada, iyo dhammaan hantida qaran ee muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin Dekedaha  iyo Garoonka magaalada Berbera.

Sidoo kale Afhyeenka waxaa uu shaaca ka qaaday in sheegashada gurracan iyo farogelinta Madaxweyne Xasan Sheekh  ee ku wajahan arrimaha Somaliland ay tilmaamayso been abuurkiisa indho la’aanta, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Dekedda  iyo garoonka  Berbera waxay door muhiim ah ka qaataan kobcinta ganacsiga gobolka, kasbashada maalgashiga, iyo sugidda amniga Geeska Afrika. waxaa naga  go’an in la ilaaliyo madax-bannaanideenna iyo in hantideenna qaran ay u adeegaan danaha shacabka Somaliland, isla markaana ay gacan ka geystaan horumarka gobolka,” ayuu yiri Afhayeen Xuseen Deyr.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles