Monday, February 23, 2026

Soomaaliland oo masuul u magacowday degmo ay ku muransan yihiin Puntland, Somaliland iyo Waqooyi Bari

Xukuumadda Somaliland ayaa masuuliyiin cusub u magacowday degmooyinka Badhan iyo Laasqoray ee gobolka Sanaag.

Warqad ka soo baxday Wasaarada dowladdaha Hoose ee Soomaaliland, ayaa lagu magacaabay Xuseen Maxamed Xasan Guddoomiyaha Degmada Badhan, halka Aadan Cabdilaahi Jibriil loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Badhan. Magacaabistan ayaa lagu saleeyay qodobbada Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerarka Dawladaha Hoose.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ujeeddada magacaabistu tahay xoojinta maamulka degmooyinka, hagaajinta adeegyada bulshada, iyo dardargelinta amniga iyo horumarka deegaannada.

Magacaabistan ayaa imanaysa xilli la dareemayo wanaajinta xiriirka siyaasadeed ee Somaliland iyo Puntland, kuwaas oo labaduba sheegta saamayn iyo maamul ku leh qaybo ka mid ah gobolka Sanaag, gaar ahaan degmooyinka Badhan iyo Laasqoray.

Gobolka Sanaag ayaa muddo dheer ahaa meel ay isku haystaan maamullada Somaliland, Puntland iyo maamulka Waqooyi Bari, arrintaas oo marar badan dhalisay loollan siyaasadeed iyo mid maamul.

Ilaa hadda wax war rasmi ah kama soo bixin dhinacyada kale ee arrintan quseeya, balse indhaha ayaa lagu hayaa sida ay u saameyn doonto xaaladda maamulka iyo amniga ee gobolka Sanaag.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Axmed Madoobe oo tagay Muqdisho, kuna laabtay Kismaayo Kadib Burburka Wadahadalladii

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa maanta ka...

Golaha Mustaqbalka oo shaaciyay inuu burburay wadaxaajoodkii ay kula jireen MW Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay...

Mareykanka oo ku baaqay in heshiis ay gaaraan DF iyo mucaaradka

War ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa...

DFS oo cambaareysay dad lagu dilay Nigeria

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarro...

MW Xasan Sheekh oo ergo u dirsaday Mucaaradka

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka mid...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles