Ciidamo ka soo dagaalamay Calmiskaad oo gadooday iyo hal shuruud oo ay ku xireen maamulka Puntland

Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo dhawaan ka soo laabtay dagaallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ayaa gadood ka sameeyay degmada Carmo ee gobolka Bari, iyaga oo muujiyay cabasho culus oo ay u jeedinayaan maamulka Puntland.

Ciidamadan, oo tababar ku soo qaatay degmada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa sheegay in ay ka cabanayaan musuqmaasuq, eex iyo dayacaad la xiriirta xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda, gaar ahaan mushaharro, gunnooyin iyo agab ciidan oo ay sheegeen in aan si caddaalad ah loo siin.

Askarta gadoodsan ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland in ay ku takrifaleen kheyraadkii loogu talagalay ciidamada, isla markaana ay si gaar ah ugu eexdeen qaar ka mid ah cutubyada, taas oo ay sheegeen inay hoos u dhigtay niyadda iyo awoodda dagaal ee ciidanka.

Ciidamadu waxay si cad u sheegeen in ay si ku-meel-gaar ah uga madax bannaan yihiin taliska dowladda Puntland, ilaa iyo inta laga saxayo cabashadooda, balse waxay xuseen in aanay ka tanaasulin dagaalka ka dhanka ah Daacish. Waxay ku dhawaaqeen in ay hab isku-tashi ah uga hawlgalayaan deegaannada Calmiskaad, iyaga oo sii wadaya la dagaallanka kooxdaas.

Xaaladda Carmo ayaa weli degan, inkasta oo ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo wadahadallo ay wadaan odayaal dhaqan iyo masuuliyiin maxalli ah oo lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda, lana xalliyo cabashada ciidamada.

Illaa hadda, maamulka Puntland kama soo bixin war rasmi ah oo ay kaga jawaabayaan cabashada ciidamadan gadoodsan, hase yeeshee arrintan ayaa imaanaysa xilli Puntland ay ku jirto dagaal adag oo ka dhan ah Daacish oo ka socda buuraha Calmiskaad, taas oo u baahan midnimo iyo taageero buuxda oo ay helaan ciidamada ku sugan jiidda hore.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles