Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Hon Mohamed Farah Nuh ayaa kulan la qaatay Ed Norris, oo ah taliye sare ka tirsan Ciidanka Hawlgallada Gaarka ah ee Bariga Afrika ee dowladda Maraykanka (AFRICOM), iyo koox saraakiil ah oo uu hoggaaminayay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa labada dal, gaar ahaan dhinacyada la xiriira amniga duulista hawada iyo maamulka garoomada diyaaradaha.
Mas’uuliyiinta ayaa caddeeyay sida muhiimka ah ee ay u tahay kor u qaadidda ammaanka hawada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo in duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ahba ay si nabad ah u socdaan.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay AFRICOM iyo dowladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, isagoo xusay in wada-shaqeynta noocan oo kale ah ay yihiin tiir muhiim u ah horumarka iyo xasilloonida dalka.


