Friday, July 10, 2026

Khilaafka Golaha Shacabka oo sii xoogeysanaya iyo dib u bilaabashada Fadhiyada Golaha Shacabka

Kadib afar kulan oo xiriir ah oo baaqday iyada oo aan wax faahfaahin rasmi ah laga bixin sababta keentay hakadka, ayaa xalay la diray farriin rasmi ah oo lagu wargelinayo Xildhibaanada Golaha Shacabka in kulamada Baarlamaanka dib loo ambaqaadayo maanta oo Arbaco ah.

Fadhigii ugu dambeeyey ee Golaha Shacabka ayaa u baaqday sababo la xiriira buuq iyo gadood ka dhashay dhanka Xildhibaanada mucaaradka, kuwaas oo si cad uga hor yimid go’aanka Guddoonka ee ku aadanaa in Xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib laga saaro xubinnimada Golaha. Mucaaradku waxay fadhigaasi ka dhex abuureen jahwareer siyaasadeed, iyaga oo xitaa burburiyay qalabkii cod-bixinta ee Golaha si ay u hor istaagaan ajandaha.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa go’aankooda ku saleeyay in Xildhibaan Abiib uu labo kalfadhi xiriir ah ka maqnaa kulamada Golaha, isagoo aan keenin wax cudur daar ah. Arrintan ayaa horseeday caro xooggan oo ay muujinayaan in ka badan 100 xildhibaan oo mooshin rasmi ah ka gudbiyay Guddoomiyaha Golaha, Sheekh Aadan Madoobe.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka saacadihii lasoo dhaafay ayaa lagu sheegay in arrinta Xildhibaan Abiib loo gudbiyay Guddiga Xeer-hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda si ay uga soo talo bixiyaan, taasoo qayb ka ah isku day lagu yareynayo xiisadda taagan.

Si kastaba, xildhibaanada mucaaradka ayaa si cad u sheegay in aanay ka laaban doonin mooshinkooda, islamarkaana aysan ku qancin bayaanada kasoo baxaya Guddoonka Golaha, iyaga oo ku adkeysanaya in la helo isla xisaabtan dhab ah iyo ilaalinta xuquuqda xildhibaannada.

Dib u furitaanka kulamada Golaha Shacabka maanta ayaa la eegayaa sida ay u wajihi doonaan labada garab  mucaaradka iyo guddoonka, iyadoo laga cabsi qabo in uu markale khalkhal galo fadhiga haddii xal siyaasadeed laga gaarin khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka Isgaarsiinta oo Geneva kaga qaybgalay shir looga hadlayo horumarinta Dhijitaalka

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya iyo Mauritania oo kala saxiixday heshiisyo Muhiim ah

Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

M/weyne Xasan Shiikh oo ka qeybgalaya tababar loo soo xiray saraakiil cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Kuuriyada Waqooyi oo xoojinaysa nukliyeerkeeda iyo ciidamadeeda

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in dalkaasi uu...

Toogasho ka dhacday meel u dhow goobta lagu aasay hoggaamiyihii hore ee Iiraan

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles