Saturday, August 8, 2026

Soomaaliya iyo AFRICOM oo ka shiray amniga duulista hawada iyo garoomada diyaaradaha

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Hon Mohamed Farah Nuh ayaa kulan la qaatay  Ed Norris, oo ah taliye sare ka tirsan Ciidanka Hawlgallada Gaarka ah ee Bariga Afrika ee dowladda Maraykanka (AFRICOM), iyo koox saraakiil ah oo uu hoggaaminayay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa labada dal, gaar ahaan dhinacyada la xiriira amniga duulista hawada iyo maamulka garoomada diyaaradaha.

Mas’uuliyiinta ayaa caddeeyay sida muhiimka ah ee ay u tahay kor u qaadidda ammaanka hawada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo in duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ahba ay si nabad ah u socdaan.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay AFRICOM iyo dowladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, isagoo xusay in wada-shaqeynta noocan oo kale ah ay yihiin tiir muhiim u ah horumarka iyo xasilloonida dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles