Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha buluugga ah

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah,  Axmed Xasan Aadan, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Safaaradda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Mudane Axmed bin Maxamed Al-Mowallad.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada kalluumeysiga, horumarinta dhaqaalaha buluugga ah iyo fursadaha ganacsi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Danjiraha Sacuudiga soo dhoweynta diirran iyo diyaar u ahaanshaha iskaashi miro dhal ah. Dhinaca kale, Danjiraha ayaa muujiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay in la taageero dadaallada horumarineed ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kobcinta dhaqaalaha badda iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, labada masuul ayaa isku raacay in la dardargeliyo wada-shaqeynta, lana dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya hirgelinta mashaariicda la xiriira kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, si loo gaaro yoolalka istaraatiijiga ah ee labada dal.

WARARKII KALE

Aadan Madoobe oo tuute xirtay,una diyaar-garoobay dagaal ka dhan ah Lafta gareen

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Cirro oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Israa’iil

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa waraaqaha...

Jubbaland oo mideysay ciidamadii Daraawiishta iyo kuwa cusub ee ku sugnaa Baladxaawo

Dowladda Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah isugu dartay...

Aadan Madoobe oo Itoobiya ka dalbaday taageero milatari

Warbaahinta ka howlgasha Itoobiya ee Adis Startand ayaa werisay...

Iiraan oo hanjabaad hor leh jeedisay xilli Trump rajo muujiyey

Afhayeenka ciidamada milatariga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Mohammad...

Trump oo war ka soo saaray wadahadalada Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in wada-hadallada Iran...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles