Thursday, March 12, 2026

Soomaaliya iyo Tanzania oo yeelanaya khad duulimaad toos ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Tanzania ayaa  kala saxiixday baaq ka soo baxay kulanka khubarada farsamo ee labada dal ee ku qabsoomay Magaalada Dar es Salaam oo lagaga hadlayay xoojinta iskaashiga labo geesoodka ee dhinaca duulimaadka rayidka, waxaana goob-joog ka ahaa Wasiirrada Arrimaha Dibadda labada dal, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali iyo Mudane Danjire Mahmoud Thabit Kombo.

Baaqa oo ku xusan go’aanno si wadajir ah loo gaaray, ayaa u gogol-xaaraya daah furidda duulimaad toos ah oo u dhexeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Dar es Salaam todobaadyada nagu soo fool leh.
Shirkadda Air Tanzania, ayaa duulimaadkaasi billaabi doonta dhowaan, iyadoo looga gol leeyahay kor-u-qaadidda isku-xidhka, ganacsiga, iyo isu socodka muwaadiniinta labada dal.

Labada dal waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen inay dib u cusboonaysiiyaan Heshiiska Bedqabka Duulimaadyada ee laba geesoodka ah (BASA), oo markii hore la saxiixay sanadkii 1975, tani oo caddaynaysa in labada dal ay ka go’antahay ilaalinta heerarka caalamiga ee bedqabka duulimaadka.

Dukumintiga baaqa ah ayaa waxaa kala saxiixay wakiillo ka kala socday labada dal, iyadoo tani ay ka tarjumayso dadaallada socda ee lagu xoojinayo iskaashiga, laguna soo ban-bixinayo hindisayaal wax-qabad iyo hore-u-socodba leh.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo saldhig ciidan ka dhisaysa meel u dhow Berbera

Warbixin uu qoray wargeyska Bloomberg ayaa sheegay in Israel...

Booliska Buurtinle oo qabtay khamri, hub,gaadiid iyo Raggii watay

Ciidanka Booliska ee degmada Buurtinle ayaa hawlgal gaar ah...

Xasan Sheekh, Geelle iyo Abiy oo ku kulmay Jabuuti, maxay ka wadahadleen?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kaga...

Farmaajo oo cambaareeyay xarigga loo geystay dhalinyarada bajaajta ee Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Iran oo laga cabsi qabo inay weerarto gudaha Mareykanka

FBI-da ayaa uga digtay booliska gobolka California suura-galninada weeraro...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles