Sunday, December 28, 2025

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku eedeysay ku guuldareysiga ilaalinta xuquuqda dadka Gaza

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u dhaliishay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo ku eedeysay inuu ku guuldareystay dhaqangalka qaraarrada loogu talagalay ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee shacabka Gaza.

Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle, ayaa sheegay in xaaladda Gaza ay si xawli ah uga sii dareyso, iyadoo dagaalka Israa’iil uu sababay gaajo ba’an, masiibo bini’aadantinimo iyo dhibaato joogto ah oo si gaar ah u saameynaya haweenka iyo carruurta.

“Golaha Ammaanka wuxuu ku guul darreystay dhaqan-galka qaraarradii ku baaqayay joojinta dagaalka, sii deynta maxaabiista, fududeynta gaarsiinta gargaarka, iyo ilaalinta sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri Baalle.

Diblomaasiga Soomaaliya ayaa caddeeyay in dalkiisu mar kale garab taagan yahay shacabka Falastiin, isagoo ku baaqay:

In la soo afjaro qabsashada dhulka Falastiin.

In la joojiyo dagaalka joogtada ah.

In xorriyadooda dib loo siiyo dhammaan dadka si aan sharci ahayn loo xidhay.

In dib loo bilaabo hab siyaasadeed oo lagu gaari karo xalka laba-dawladda ah.

Wakiilka Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada Qatar, Masar iyo Maraykanka ee ku aaddan nabad raadinta, isagoo rajo ka muujiyay in shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee toddobaadka soo socda uu horseedi doono nabad waarta iyo cadaalad dhab ah.

Ugu dambeyntiina, Soomaaliya waxay ku adkaysatay inay ka go’an tahay raadinta nabad waarta oo ku dhisan qiyamka iyo dastuurka Qaramada Midoobay, si loo soo afjaro qabsashada muddada dheer socotay ee dhulka Falastiin.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo si adag ugu horyimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad...

Baarlamaanka oo ansixiyay qaraar loogu hortagayo xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Senator Dubbe oo iska casilay kursiga xubinimo ee Aqal sare

Senator Cismaan Abukor Dubbe oo ka tirsanaa Aqalka Sare...

Mucaaradka oo war ka soo saaray kulankii ay la qaateen MW Xasan Sheekh

Madasha smata-bixinta ayaa wrasaxaadaeeed ka soo saartay kulan ay...

MW Xasan Sheekh oo maanta hortagaya Xildhibaanada labada Aqal ee BFS

Madaxweynaha Dowladda  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay...

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Haashimi ee Urdun, Jamhuuriyadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles