RW Xamsa ” Xukuumadda waxaa ay dadaal badan gelisay tayeynta waxbarashada dalka”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya,Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, taasi oo laga hirgelinayo dhisme casri ah oo qeyb ka qaadan doona horumarinta deegga Waxbarasho ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dib-u-dhiska xarunta Wasaaradda Waxbarashada dalka ay muujinayso dadaalka dowladda ee ku aaddan tayeynta adeegyada bulshada iyo barbaarinta Ubadka Soomaaliyeed, maadaama ay wasaaraddani ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee dowladda.

“Xukuumadda DanQaran waxa ay dadaal badan gelisay tayeynta waxbarashada dalka iyo casriyeynta dhammaan nidaamyada waxbarashada bilow ilaa dhammaad, waxaa la dhisay Guddiga Tacliinta Sare si loo helo waxbarasho jaamacadeed oo horumarsan, Waxaana naga go’an in ubadkeennu helaan aqoon iyo xirfad tayo sare leh”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

“Wasaaraddaan Waxaa ay ka mid tahay Wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, maadaama ay maamuleyso wixii ugu muhiimsanaa ee dalkani uu lahaa oo ah ubadka, dhallinyarada doonaya in ay wax bartaan dowladda waxaa ay ku leeyihiin waa in ay hagaajiso goobihii ay wax ku baran lahaayeen”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada dalka dadaalkooda ku aaddan horumarinta adeegga waxbarasho ee dalka, ilaalinta xogta ardayga iyo casriyeynta nidaamka tacliinta.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles