Saturday, April 18, 2026

Wasiir Juxa “Waxaan joognaa meel Soomaalidii kala aammin baxday, kala shakisan”

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland, Cabdi Faarax Juxa, ayaa hadallo kulul ka jeediyay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in Soomaaliya maanta ay ku jirto marxalad adag oo kala fogaansho iyo kalsooni darro ah.

Juxa ayaa tilmaamay in dalka uu ka dhex jiro laba aragti oo isdiidan:-

Aragti uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dowladda Federaalka oo ku saabsan dhismaha awood mideysan.

Aragti kale oo Puntland ku dooddo, taas oo ku saleysan nidaamka federaalka.

“Aragtida aan kala adkaanno oo Xasan Sheekh iyo Dowladda Federaalka hoggaaminayaan iyo aragtida federaalka oo Puntland ku doodeyso ayaa suuqa yaalla, meel Soomaalidii kala aammin baxday baan joognaa,” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Isagoo sii faahfaahinaya, wuxuu ku daray in Soomaalida maanta kala shaki iyo kala aammin baxday, iyadoo khilaafku salka ku hayo arrimo badan oo ay kamid yihiin:

Dastuurka iyo dowlad dhiska

Basaboorka iyo aqoonsiga

Mashruucyada horumarinta iyo taageerada beesha caalamka

Shahaadooyinka iyo adeegyada aasaasiga ah

“Waxaan joognaa meel Soomaalidii kala aammin baxday, meel ay kala shakisan tahay oo isku maqantahay. Waxaan isku haysannaa dastuurkii iyo dowlad dhiskii, basaboorkii iyo aqoonsigii, mashruucii iyo kolaygii baryada, shahaadadii iyo adeegyada aasaasiga ahaa,” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf siyaasadeed oo xooggan uu u dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, iyadoo doodda ugu weyn ay tahay qaabka federaalka iyo awood qaybsiga dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne xasan sheekh oo ka qeyb galay Madasha Diblumaasiyadda Antaalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan...

Banaanbax maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo

Banaanbax ballaaran oo ay ka qeyb galeen boqolaal kamid...

DFS oo ku hanjabtay inay xayiraad ku soo rogi doonto Marinka Bab-el-Mandeb

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ambassador Cabdullaahi...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si adag u cambaareeyay safiir Israel u magacowday Somaliland

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles