Wednesday, October 22, 2025

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Ambassador Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi , Xilli ay Soomaaliya ka qayb geli doonta dhawaan ciyaaraha jaamacadda Carabta ee ka dhici doona Doha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ka qeybgalka Soomaaliya ee ciyaaraha jaamacadda Carabta oo dhawaan lagu qaban doono magaalada Doha ee dalka Qatar.

Wasiirka ayaa dhanka kale la wadaagay safiirka muhiimadda ay Soomaaliya siineyso horumarinta kaabayaasha isboortiga iyo taageerada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa tilmaamay ahmiyada ay cilaaqaadka ka dhaxeeya labada waddan ee Soamaaliya iyo Qatar u leedahay horumarinta dhallinyarada iyo Isboortiga iyo sida ay Qatar kaga go’an tahay garab siinta Kaabayaasha Ciyaarah iyo Horumarinta Dhallinyaradaba.

Wasiir Maxamed ayaa u mahadceliyay dowladda Qatar kaalinta ay ka qaadato taageerada dhanka horumarka dhallinyarada iyo isboortiga, isagoo xusay in iskaashiga labada dal uu horseedi karo fursado cusub oo horumarineed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

WHO oo ka dayrisay xaalada caafimaad ee Qaza

Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in Qaza...

Fadhigii Golaha Shacabka oo markale kooram la’aan u baaqday

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay degmada Wanla-weyn ee G/Sh/Hoose

Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka dad shacab ah ku dilay...

Al-shabaab oo xalay dagaal ku qaaday Xudur iyo xubno lagu dilay dagaalka

Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku...

Dibadbaxayaal weeraray booliiska dalka Ireland

Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles