Monday, April 27, 2026

Dad ku dhintay dibadbaxyadada ka socda Kenya

Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay dibadbaxyada dowladda looga soo horjeeday ee ka dhacay Kenya, waxaana la xiray 567 qof, sida ay booliisku sheegeen.

Booliiska ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaasha, Dr Aron Sikuku oo ah dhakhtar ka howlgala Eagle Nursing Home oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi uu warbaahinta BBC-da u sheegay meydadka labo qof oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaasta la keenay xarunta.

Waxay la sheegay in sidoo kale 52 askari oo booliis ah iyo 11 qof oo rayid ah la dhaawacay.

Golaha xuquuqda aadanaha ee Kenya ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in tirada dhimashada ay gaarayso 10 qof.

Dibad-baxayaashu waxay dalbanayaan isla xisaabtan, maamul wanaag iyo cadaalad loo sameeyo dhibanayaasha ay booliiska u gaysteen naxariis-darrada, baaqaas oo socday tan iyo bishii June ee sannadkii hore.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa isna ku baaqay in booliska lagu sameeyo isbeddello balaaran oo oo dib loogu dhisayo kalsoonidii u dhaxaysay shacabka iyo ciidanka amniga

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka arrimaha dibadda Iran oo ka hadlay arrinta Hurmuz ee cakiran

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa Axaddii...

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray Waajid

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud...

DFS oo Puntland ku eedeysay inay rasaas u adeegsatay shacabka Badhan

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed...

Aadan Madoobe oo la isku raacay inuu xisbiga JSP u tartamo xilka madaxtinimada KGS

Kulan xasaasi ah oo xalay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya...

Maraykanka oo xiray nin Soomaali ah oo lala xiriirinayo burcad-badeednimo

Dowladda Maraykanka ayaa xirtay nin Soomaali ah oo lagu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles