Soomaaliya oo ka tacsiyeysay saraakiil Qadar oo shil gaari ku dhintay

Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay dowladda Qadar, kadib shir shalay subax ka dhacay meel u dhow magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar oo ay ku dhinteen saraakiil Qadar kasoo jeeda.

Qoraal lasoo dhigay barta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay ku leedahay Facebook ayaa lagu sheegay in Soomaaliya “ay garab-istaag buuxa u muujineyso dowladda aan walaalaha nahay ee Qadar”.

Saddex ka mid ah shaqaalaha Amiri Diwan ee Qadar, ayaa shilka ku dhintay, sida ay shaacisay safaaradda Qadar ee Masar.

Kuwa dhaawaca ah ayay safaaraddu sheegtay in lagu dabiibayo isbitaalka magaalada.

Kahor warka, ilo dhanka ammaanka ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in gaari siday diblomaasiyiin Qadar ah uu ku rogmaday waddo 50 kilo mitir (31 meyl) u jirta magaalada.

Shilka ayaa imaanaya kadib markii saraakiil ka socda Qadar, Turkiga iyo Masar ay wada-hadallo aan toos ahayn uga qeyb galeen shirka Sharm el-Sheikh goor hore toddobadkan kaas oo horseeday heshiiska xabbad-joojinta Israa’iil iyo Xamaas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles