Thursday, July 31, 2025

Soomaaliya oo kaalinta Afaraad ka gashay dowladaha si wanaagsan ugu adeegay Xujeyda

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta afaraad ka gashay dowladaha sida wanaagsan ugu adeegay xujeyda sannadkan. Wasiirka ayaa sheegay in guushan ay ka dhalatay dadaal xooggan oo ay bixiyeen Wasaaradda Awqaafta iyo Madaxda sare ee dalka.

“Dowladaha ugu wanaagsan ee Xujeyda daryeela ayaan ka mid noqonay, abaalmarin ayaa nala siiyay,” ayuu yiri Wasiir Roobow, isagoo xusay in tani ay muujinayso horumarka iyo isbeddelka ka socda adeegyada loo fidiyo xujeyda Soomaaliyeed.

Wasiir Mukhtaar Roobow waxa uu intaasi ku daray in abaalmarintan ay tahay mid shacabka Soomaaliyeed oo dhan farxad u leh, maadaama Soomaaliya lagu abaalmariyay kaalinteeda muhiimka ah ee daryeelka Xujeyda Soomaaliyeed.

 

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles