Soomaaliya oo ku biirtay Isbaheysiga Cusub ee uu hoggaamiyo Sacuudiga

Sacuudi Carabiya ayaa  ku dhawaaqday inay dhistay “Isbahaysiga Difaaca Badda” oo loogu talagalay sugidda amniga maraakiibta maraysa marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii kooxda Xuuthiyiinta Yemen ee ay Iiraan taageerto ay toddobaadkii hore ku dhawaaqeen inay cunaqabatayn dhinaca badda ah ku soo rogeen Sacuudi Carabiya, oo ah dalka ugu weyn dunida ee dhoofiya shidaalka cayriin.

Xuuthiyiintu waxay sidoo kale sheegeen inay weerarro ku qaadeen maraakiibta shidaalka qaada ee Sacuudiga ee Badda Cas iyo kaabeyaasha shidaalka ee dalkaas.

Marin-biyoodkan cidhiidhiga ah ayaa noqday waddo aad muhiim ugu ah dhoofinta shidaalka Sacuudiga ee loo qaado suuqyada caalamiga ah, gaar ahaan kaddib markii ay hakad weyn galeen dhoofinta tamarta ee gobolka Khaliijka Faaris, taas oo ka dhalatay xiisadda u dhexaysa Maraykanka iyo Iiraan ee ka taagan marin-biyoodka Hormuz.

Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa war-murtiyeed ay ku hadlaysay magaca 14-ka dal ee ku bahoobay isbahaysigan ku sheegtay in dalalka xubnaha ka ah ay kala yihiin:

Wasaaraddu waxay sheegtay in ujeeddada loo dhisay isbahaysigan ay tahay “xoojinta amniga badda, ilaalinta xorriyadda maraakiibtu ugu kala goosho badaha, sugidda waddooyinka ganacsiga caalamiga ah iyo khadadka gudbinta tamarta, iyo ilaalinta danaha wadajirka ah ee badda ee Bab al-Mandab, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.”

Sidoo kale, Wasaaradda Difaaca ee Sacuudiga ayaa shaacisay inay 51 dal iyo ururro caalami ah ku casuuntay shir ku saabsan isbahaysigan oo Khamiistii ka qabsoomay magaalada Riyaad.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaare Abiy oo shaaciyay in la bilaabayo dhismaha dhuumaha shidaalka ee Jabuuti iyo Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in...

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay wada-hadal qaran iyo doorasho heshiis lagu yahay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Xisbiga Nabad iyo...

DFS oo ka hortimid hadalka Puntland ee madax-bannaanida

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf...

Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle, Cali Guudlaawe oo lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles