Soomaaliya oo loo doortay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu doortay inay ka mid noqoto Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (Peace and Security Council – PSC) muddada u dhexeysa 2026 illaa 2028, kaddib doorasho ka dhacday xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.

Doorashadan ayaa loo arkaa guul diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, isla markaana muujinaysa dib-u-soo kabashada iyo kororka kalsoonida beesha Afrika ay ku qabto doorka iyo miisaanka Soomaaliya kaga jirto arrimaha nabadda iyo amniga qaaradda.

Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dhammaan dowladihii xubnaha ka ahaa Midowga Afrika ee taageeray musharraxnimadeeda, iyadoo sheegtay in codka ay heshay uu ka tarjumayo aaminaad iyo iskaashi ku dhisan himilo wadajir ah oo ku wajahan Afrika nabad ah, xasilloon oo barwaaqo gaarta.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay in xubinnimada Golaha PSC ay sii xoojin doonto doorka ay kaga jirto dadaallada lagu xoojinayo nabadda, xasilloonida iyo xalinta khilaafaadka qaaradda, iyadoo ballanqaadday inay ka shaqeyn doonto dhiirrigelinta wada-hadal wax ku ool ah, iskaashi amni iyo ka hortagga colaadaha.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) ayaa ah hay’adda ugu sarreysa ee u qaabilsan arrimaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika, waxaana xubinnimadiisu ka dhigan tahay mas’uuliyad iyo kaalinta hoggaamineed oo ku aaddan ilaalinta xasilloonida qaaradda.

Doorashada Soomaaliya ayaa imaneysa xilli ay dowladda Federaalka Soomaaliya dadaal xooggan ku bixinayso xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ka qeyb qaadashada go’aan qaadashada heer gobol iyo heer qaaradeedba.  

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles